BTS:Mudane Cumar Dhagawayne oo loo aqoonsadey shaqsiga sanadka Soomaalida degan dalka Finland 2010

Monday January 24, 2011 - 20:45:07
0 Comments
1424
Super Admin
Mudane Cumar Dhagawayne oo loo aqoonsadey shaqsiga sanadka Soomaalida degan dalka Finland 2010

Xafladheer sare ah oo ay soo qabanqaabiyeen uruurka Isboortiga iyo Dhaqanka Soomaalida Finland oo lagu qabtey magaalada Helsinki ayaa lagu gudoonsiiyay mudane Cumar Axmed Jaamac ‘’ Cumar Dhagawayne’’ shahaado sharafka shaqsiga sanadka Soomaalida degan dalka Finland2010.

Mudane Cumar Dhagawayne wuxuu mudo dheer ka soo shaqeeyay Wasaaradii Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya islamarkaana wuxuu ahaa Xoghayihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaarahafudud, haatana wuxuu degan yahey magaalomadaxda dalka Finland ee Helsinki, wuxuuna ka shaqeeyaaPost Finland kana yaheyhorjooge (Voorman), halkaas oo uu sanadihii ugu dambeeyay ka shaqaaleysiiyay in ka badan 150 Soomaali degan magaalada Helsinki .

Ururka Somali Sport and Cultureayaau gartey inay sanadkaan2010 u aqoonsadaan shaqsigii sanadka Soomaalida degan dalka Finland mudane Cumar Dhagawayne, taasoo ay soo dhaweyeen dad badan oo degan magaalada Helsinki iyo markii la gudoonsiinayay shahaado sharafkan qiimaha badan.

Mudane Cumar oo aan la kulmey markii la gudoonsiinayey abaalmarinta shahaadada ayaa ii sheegey inuu aad ugu faraxsan yahey, islamarkaana uu uga mahadcelinaayo dadkii iyo ururkii Soomaaliyeed ee u gartey inay doortaan shaqsiga sanadka Soomaalida degan dalka Finland.

Mudane Cumar Dhagawayne oo ah nin Isboortiga Soomaaliya gaar ahaan cayaaraha fudud aad looga yaqaan ayaan waydiiyay sababta uusan uga dhex muuqan maamulka Isboortiga dalka xiligaan ayaa iisheegay inuusan doonaynin inuu faraha la galo xiligaan adag uu dalka maraayo balse uu xiriir fiican la leeyahay Soomaalida isboortiga ku mashquulsan ee degan magaalada Helsinki iyo dadkii waayo araga ahaa ee ka soo wada shaqayn jireen barisamaadkii wasaraada Isboortiga iyo dhalinyarada, XSCC iyo ciyaartooydiihore sida Halyeey Cabdi Bile iyoMacalin Jaamac Karaaciin.

Sawaro

Helsinki / Finland

Related Items


Leave a comment