UN ayaa ku baaqay in Burcad Badeeda Lagu maxkamadeeyo Dalka Somalia

Tuesday January 25, 2011 - 19:17:16
0 Comments
1370
Super Admin
Jamaciyada Qurumaha ka dhaxaysa laanta Ladagaalanka Burcad badeeda ayaa ku baaqday in Burcad badeeda somaliyeed ee lagu qabto falalka Burcadnimada bada lagu maxkamdeedyo wadanka somalia
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan sharci la tiigsiga burcad badeedka Jack Lang ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo hordhigo golaha amaanka ee QM qorshe soo jeedinaya in la dhiso maxkamad Soomaliyeed oo lagu maxkamadeeyo burcad badeedka taas oo hoos imanayso garsoor Somali ah balse saldhigeedu yahay wadan ajnabi ah.

Mr Jack ayaa waxaa uu qorshihiisan cusub oo lagu wado inuu golaha amaanku ka doodo Talaadada ayaa waxa uu maraakibta dagaalka ee caalamka ee ku sugan badweynta India ugu baaqayaa in ay roodnooyin ku sameeyaan degaano xeebeedka gabaadka u ah burcad badeedka,waxana uu sidoo kale qorshahan cusubi ku baaqayaa in dhalinyarada Somalida la siiyo dhaqaale ku dhiirinaya in ay ku biiraan burcad badeedka.

Waxana uu Jack Lang uu sheegay in weerarada burcad badeedku ay balaarteen ayna aduunka geliyaan sanadkasta kharaj dhaqaale oo ku fadhiya 7malyan oo dollar,waxana uu ku baaqay in la kordhiyo talaaboyinka la xiriira dhinaca amaanka isla markna burcad badeedka loo dhiso maxkamad u gaar ah.

Abdrisaq Xaaji Ahmed BTS online Nairobi

BTS Online kala soco warka calamka kana dhiibo Fikirkaga

Related Items


Leave a comment