BTS: Xildhiban ka tirsan DFKM ayaa lagu dhawac Mogdisho Habaynimadii Xalay

Wednesday January 26, 2011 - 09:29:24
0 Comments
1258
Super Admin
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaka Dowlada KMG ayaa ku dhaawacmay Magalada Muqdisho ka dib markii ay haleeshay Rasaas aay la garanayn meel ay ka soo dhacday.

Xildhibaankan ayaa lagu magacaaba xildhibaan faarax Xirsi Cawooley,waxaana la sheegey in xildhibaanka ay haleeshey rasaas lagu tilmaamey wiifto inkastoo aan la ogeyn meesha rasaastaasi ka soo dhacdey.

Xildhibaankan dhaawacmay ayaa ku dhaawacmay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho,waxaana la sheegey inay xildhibaano kale oo badani ku sugnayeen meesha xildhibaankaasi uu joogey oo ah meelaha fara ku tiriska ah ee dawladu ku sugan tahay.

Xildhibaanka ayaa la sheegey inay rasaastu ka haleeshay lugta,waxaana la sheegey inay rasaastaasi dhibaato dhaawac ah soo gaarsiisey,waxaana markiiba dadka degaanka oo u gurmaday gaarsiiyeen goobaha caafimaadka ee degmada xamar weyne oo lagu dabiibay xaaladiisa cafimaad. Xaaladiisa caafimaad ayaa al sheegayaa mid wanaagsan tahay.

Saciid Axmed Dhawaaq

BTS online

BTS Online

Related Items


Leave a comment