BTS: Mudaaharaad aad u xoogan oo hareeyay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Masar

Friday January 28, 2011 - 19:00:14
0 Comments
1262
Super Admin
Kumanaal banaan baxayaal Masaari ah ayaa waxa ay iminka banaan bax aad u balaaran ku samaynayaan fagaaraha Al Azhar Al sharif ee magaalada Qahira waxayna dalbanayaan in la rido dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Mubarak,

Sidoo kale banaan bax kale ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhaw masaajidkii uu maanta salaada Jimcaha uu ku tukaday ninka isagu isbed del doonka ah Maxamad Albaradcci.

Banaan baxyadan ayaa waxa ayka socdaan magaalooyinka Qahira,Askandariya,Alminya iyo Dumyad.

Ciidamada boliska ayaa waxa ay adeegdsanayaan qasabadaha waaweyn ee biyaha iyaga oo ku liishaamaya dadweynaha si ay u kala kaxeeyaan Banaan baxayaasha ayaa waxa ay dal banayaan inuu xukunka ka dego madaxweyne Mubarak,

Maxamed Albaradici ayaa waxa uu sheegay in dawlada Masar ay iminka ku taagan tahay hal lug oo keliya.

Ciidamada amaanka ee dalka Masar ayaa waxa ay ku jiraan heegan ,waxana dawlada Masar ay jartay gebi ahaanba adeegyadii telefoonada gacanta ee magaalada Qahira iyo internetkiiba.ciidamada amaanka ayaa waxaa si weyn ay u joogaan hareerayaasha masaajidada waaweeyn ee magaalada Qahira iyo gobolada kale.

Ciidamada amaanka ee dalka Masar ayaa waxa ay jeelka u taxaabeen hogaamiyaal ka tirsan ururka Ikhwaanu Muslimiin kuwaas oo saacadihii hore ee maanta Jimcadii laga laga baxay degaanadii ay ku sugnaayeen waxana ka mid ah afhayeenada ururka Ikhwaanu Muslimiinka waxaana ka mid ah Cisaam Al ciryaan,Maxamed Mirsi iyo Maxamed Xasan iyo weliba mudanayaal horay uga tirsanaan jiraygolaha shacabka ee dalka Masar kuwaas oo dhaliilay xooga xad dhaafka ah ee ay ciidamadu u adeegsanayaan banaan baxayaasha.

Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Mubarak inuu sameeyo dibu habayn balaaran.

BTS Online

tix PLND

Related Items


Leave a comment