BTS: Addis ababa oo lagu wado in uu ka furto shirka AU Axad barito ah

Saturday January 29, 2011 - 18:39:17
0 Comments
1447
Super Admin
magalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa lagu wadaa in maalinimada bari uu ka furmo shirka AU ayada ay maalmihii dambe ka socdeen shir loogu gogol xaarayo oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Arimaha Dibada wadamada ka tirsan AU, Shirka oo noqonaya shirkii 16aad ee Madaxda midowga Africa .

Sida ilo ku dhow shirka ay xaqiijiyeen waxaa kulanka madaxda Afrika ee 16aad qodobada ugu waaeyn ka mid ah arimaha wadanka Soomaaliya oo looga hadli doono, iyadoo si gaar ahna loo soo qaadi doono waqtiga DKMG ee sii dhamaanaya kuna eg bisha August ee sanadkan 2011.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka ka mambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda madasha shirka ee Addis Ababa.

Dhanka ka;le waxaa madasha shirka Afrika ka socda qabanqaabada kulan kale oo ka garab dhici doona shir madaxeedka 16aad ee wadamada Afrika kaasoo looga arinsanayo waxa laga yeelayo waqtiga DKMG marka uu dhamaado iyo cida noqoneysa madaxweynaha xiga taasoo si weyn loogu muransan yahay.

Beesha caalamka oo ay ugu horeyso QM isla markaana taageerta DKMG ayaa si aad ah ugu ololeynsa in meesha laga saaro waqtiga KMG isla markaana la soo dhiso dawlad qaran madaxwayneeda lasoo doorto, halka madaxda TFG ee hadda xilka haysa ay doonayaan in waqtigaasi cusub iyaga markale loo dhiibo maamulka, Lamana oga in midaasi la isku raaci doono iyo in kale.

Waxaa sidoo kale arimahan barbar socda xusuldub hoose oo ay wadaan siyaasiyiin Soomaali ah xiriir dhowna la leh UN iyo madaxda Afrika qaarkood kuwaasoo doonaya in jagadamadaxweynaha loo dhiibo si ay dalka u hogaamiyaan maadaama ay taageero ka heystaan beesha caalamka.

Si kastaba waxaa la eegi doona naatijada kasoo ifbaxda gabagabada kulanka ka dhacaya Addis Ababa toddobaadkan dhamaadkiisa iyadoo go’anada kasoo baxa shirka lagu sheehi doono war murtiyeedka gabagabada ee shirka.

Saalax Qasim Hawash Ethopia BTS online

Related Items


Leave a comment