Wafti uu Hogaaminayo madaxwaynaha somaliya ayaa dib ugu laabtay Caasumada mogdisho

Tuesday February 01, 2011 - 20:05:57
0 Comments
1099
Super Admin
Madaxwaynaha somaliya Shariif shiikh Axmed iyo Wafti uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada aya dib ugu soo laabtay magalada muqdisho ka dib markii uu soo idlaaday shirka Midowga africa ee 16aad kana socday Magalada Addis ababa.

Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdulaahi Omaar, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Maxamed iyo saraakiil ka socotay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaraha Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaka Soomaaliya Shariif Xasan Sh, Aadan, R/wasaraaha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo, R/wasaare kuxigeen ahna wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/xakiim Max’uud Xaaji Fiqi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha,oo shirkaas khudbad dheer ka jeediyey oo dhinacyobadan taabanaysa ayaa ka codsaday madaxdii kasoo qeyb-galay shirarkaas inay dowladdiisa ka taageeraan sidii loo samatabixin lahaa dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladdu u soo celin lahayd ammaaka guud ee dalka Soomaaliya.

Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa waxaysheegaaya in madaxweyne shariif doonaayey inwaqtiga lookordhiyo meesha baarlamaanka loosoo jeediyey in waqtiga loo kordhiyo.

Maxamed nuur

BTS online

Related Items


Leave a comment