BTS: Raisalwasare Maxamed C/lahi ayaa maanta booqday xarunmo ka tisan Dowlada sida Bankiga Dhexe iyo Dakada Magalada muqdisho

Tuesday February 01, 2011 - 20:14:48
0 Comments
1230
Super Admin
Raisalwasare Maxamed C/lahi maxamed ayaa maanta booqday xarunmo ka tisan xarumaha Dowlada sida Bankiga Dhexe iyo Dakada Magalada muqdisho asaga oo ka dib la hadlay warbaahinta .
Raisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo warbaahinta kula hadlay magalada mogdishoayaa ka hadaly arimo ay ka mid yihiin falkii shalay ay sameeyeen ciidamo ka tirsan dowlada oo ay mid laga argagaxaykana dhacday agagaarka Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir isagoo uga tacsiyadeeyay ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey dhibaatadaasi, waxa uu R/wasaare Farmaajo xusay inuu guddi heer wasiiro ah oo ka kooban 4 Xubnood usaaray inay baaritaanno ku sameeyaan dhacdadaasi.

Dhinaca kale R/wasaaraha Soomalaiya ayaa kormeerkiisa howleed ee uu maanta ku tagay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ku wehlinayay k/Xigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud xaaji Fiqi iyo saraakiil ka tirsan xafiiska R/wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo kormeeray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Dekadda Muqdisho, isagoo halkasi kulan kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Dekadad oo ay kamid yihin wasiir ku xigeenka wasaarada dekadaha Gaadiidka Badda Cirka iyo dhulka, Maareeyaha, Ku xigennada Dekadda iyo shaqaalaha ka howlgala dekadda.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer howleed ku tagay xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isagoo kula kulmay guddoomiyaha Bankiga Dhexe mudane C/llaahi Xaaji Jaamac Cali iyo shaqaalaha Bankiga.

Ra’iisul wasaarahu waxa uu warbaahinta usheegay in ujeedada kormeerkiisu aheyd in la raadiyo ilaha uu dhaqaalaha kasoo galo Dowladda islamarkaana la xakameeyo dhibaatooyinka soo wajaha ila dhaqaalaha oo la koontaroollo wax kasto oo musuqmaasuq ah keeni kara.

Mudane Farmaajo ayaa xusay inuu ku booriyay madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala labada goobood ee uu manta kormeerka ku tegay in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu ku guuleystay inay bixiso Mushaaraadka, isagoo carabka ku adkeeyay R/wasaaruhu inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.

Waa markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed uu kormeer howleed ku tago Dekadad Muqdisho iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay loona dhaariyay xilka Ra’iisul wasaarenimo.

Axmed maxamed BTS online

Related Items


Leave a comment