BTS: Baarlamka somaliya ayaa maanta kulankoodii xiliga ku kordhistay mudo 3sano ah

Thursday February 03, 2011 - 19:48:58
0 Comments
963
Super Admin
Baarlamka somaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Xarunta shacabka kaga dooday mudo kordhin ay soo jeediyeey Gudiga Baarlamka si xiliga loogu kordhiyo.
Mudanayaasha Barlamaanka Somaliya ayaa maata kulan ay qaateen waxaa ay waqtiga ugu kordhiyeen jiritaanka Barlaamka maadaama uu gabaabsi ku dhawaa waqtiga kumeelgaarkaa.

Kulan balaaran oo ay maanta qaateen ayaa waxaa soo xaadiray 435 waxaaan gudoominayay fadhiga Shariif Xasan Shiikh Adan sida lagu sheegay kulankana waxaa looga gol’lahaa sidii waqti kordhin loogu samaynlahaa mudanayaasha Barlamaanka.

Furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa la soo bandhigay ajandaha fadhiga kaa oo loogu magacdaray in waqtiga loo kordhiyo Barlamaaka iyo in meesha laga saaro oo waqtigooda uu idlaado,

Intaa kadib ayaa la’guda galay u codaynta muushinka waxaana codkooda ku dhiibay in Barlaamka waqtiga loo kordhiyo 421mudane halka 11mudane ka soo horjeesteen waxaana madasha laga cadeeyay in muda 3sanaa waqtiga loo kordhiyo Barlamaanka Somaliya.

Barlamaaka Somaliya ayaa waqtigooda ku ekaa 21-ka August 2011 waxaana tani ay meesha ka saaraysaa in Barlamaanka lakala diro Godomiya cusubna la doorto.

Abdirasaq Maxamed

Burtinletimes Website Online

Related Items


Leave a comment