Norwey oo laga bilaabay aruurinta dhaqaale loogu talagalay Somaliya

Monday February 21, 2011 - 20:21:27
0 Comments
1263
Super Admin
Norwey oo laga bilaabay aruurinta dhaqaale loogu talagalay Somaliya

Oslo: Goloha is kaashiga islaamka ee dalka Norway ayaa ka bilaabay Caasimada dalka Norway, aruurinta kaalmooyin ay ugu tala galen dadka ku dhibaateeysan abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in maalintii Jimcihii la soo dhaafay ay si rasmi ah u bilaabeen aruurinta kaalmooyin ay ugu tala galeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan gudaha dalka Soomaaliya.

Masuul u hadlay goloha iskaashiga islaamka ee fadhigiisu yahay dalka Norway, ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya aysan waxbo ka qaban karin QM sidaa darteedna ay haboontahay in islaamku uu is caawiyo, isagoo intaasi ku daray in hada wixii ka danbeeya aan la sii fiirsan karin dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waxaa uuna ugu baaqay dhamaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Norway in ay ka qayb qaataan u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa ku sii daray hadalkiisa, in aysan ahayn markii ugu horeesay ee uu ururku uu kaalmooyin u fidiyo dadka Somaliyeed balse ay tahay markii labaad asaga oo sheegay in sanadkii 2006 uu ururku kaalin wayn ka qaatay gargaar la gaarsiiyay dadka Somalida ka dib markii ay la soo dariseen abaaro aad u culus kuwaas oo galaaftay nolosha dad iyo duunyaba.

Goloha iskaashiga islaamka ee dalka Norway waxaa la aasaasay sanadkii 2005 iyadoona ay aasaaseen dad magac wayn ku leh diinta Islamka waxaa ayna had iyo goor kaalmooyin u fidiyaan dadka ku dhibaateesan wadamada Islamka.

Abdirizak ali mohamed BTS

Related Items


Leave a comment