Somaliland oo ka jawaabtay Hadalkii Madaxweynaha Puntland

Monday February 21, 2011 - 20:44:13
0 Comments
1100
Super Admin
Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabey hadal maalintii shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo ku aadana dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Kalshaale iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Ceyn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo Shir Jiraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga soo horjeestay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland,wuxuuna tilmaamay in Kalshaale iyo Ceyn ay ka tirsanyihin Somaliland.

Xaabsade ayaa sheegay in colaada Kalshaale ay ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Ururka SSC kuna tilmaamay kuwa kasoo horjeeda nabadda,waa siduu sheegay.

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole ayaa shalay sheegay in Dawladda Puntland ay difaaci doonto dadkeeda isagoo ku eedeyey in Ciidamada Somaliland ay hub waaweyn u adeegsadaan dad shacab ah.

Dagaaladii shalay ka dhacay degaaanka Kalshaale waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya 8-qof,waxaana weli isku horfadhiya degaanada Haggoogane,Kalshaale iyo Maygaagle dhinacyadii dagaalamay.

khadar mohamed farax BTS

Related Items


Leave a comment