Qadaafi oo dadkiisa lahadlaayey 22 ilbiriqsi

Tuesday February 22, 2011 - 13:01:23
0 Comments
1176
Super Admin
Qadaafi oo dadkiisa lahadlaayey 22 ilbiriqsi
Triboli;Waxaa maal mahan soo baxaayey in Qadaafi uu u baxsaday wadanka dibadiisa, qaasatan wadanka Fenazuwela, taas ayaa ku qasabtay inuu hadlo waqti aad u kooban, waxaana uu yiri waxaan joogaa Tripoli ee majooga Fenazuwela ha ogaadeen eeyaha iskaleh telefeshinada, saa ayuu kusoo gabagabeeyey Mucamar Qadaafi.

Qadaafi oo aan loga baran inuu hadlo kaligii , laakiin waxaa ku qasabtay danta tiri inuu hadlo 2dii habeenimo. Kaliyii taliyaha macangaga ayaa watay dalaayad uu ka dugsanaayey roob markaasi da’ayey.

Hadalkan yar ee uu jeediyey soconayey 22 ilbiriqsi ayaa lagu sheegay inuu ku qabtay gurigiiga banaankiisa, laakiin waxaa la cadeeynayaa inuu ku qabtay gurigiisa ay Maraykanku weerari jireen 1986kii mar weerar lagu qaaday caasimaddda Liibya ee tiriboli.

Waxaan rabaa inaan u sheego dhalinyarada joogta Barxadda Cagaaran inaan u imaan lahaa, laakiin haduu jiri lahayn roobka ilaahbaana mahadda leh. Islamarkaana waxaa jira iska hor imaad dhiig badan ku daatay oo kasocda magaalooyin badan oo Liibya, kaasoo looga soo horjeedo Qadaafi.golaha amaanka ayaa shir deg deg ah isugu yeeray oo looga hadli doona dhibaatada iyo xasuuqa kataagan wadanka Liibya. Waxa jira wadamada reer galbeedka oo ka aamusay kana muujiyey mawqif aad u diciifsan waxa ka soconaya Liibya.

Dunida reer galbeedka ayaa u muuqda inaysan arag wax ka fiican oo bedelikara kaligii taliyaha qadaafi. Waxayna arkaan inay soo noqonayaan ururadii islaamka ee in muda ah kamaqna saaxada caalamka islaamka.

Farax abdi mohamed BTS

Related Items


Leave a comment