Xoogaga Kasoo Horjeeda Qadaafi oo Qabsaday Caasimada Liibiya, Tripoli.

Monday August 22, 2011 - 05:30:47
0 Comments
1158
Super Admin
Ciidamada Mucaaradka oo gudaha u soo galay caasimadda Liibiya Tripoli maalintii Sabtida ayey u suurta gashey in ay la wareegaan inta badan caasimadda Tripoli. Telefishanka al-Jazeera ayaa ku soo waramaya in ciidankii sida gaarka ah u ilaalin jirey Qaddafi ay isu dhiibeen mucaaradka, sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in wiilkii u weynaa caruurta Qaddafi oo la dhaho Maxamed uu isu dhiibey ciidanka Mucaaradka, sidoo kale waxaa Mucaaradku gacanta ku dhigeen Sayf al-Islam Qadaafi oo isagu dalka wax ka maamulaayey.

Xaafadaha caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa ka socda damaashaad iyo xaflado, dadku jidadka ayey isugu soo baxeenw axayna dhulka la dhacayaan sawirada ninka muddada ee 42 sano ah ka talinaayey Liibiya Col.Mucamar al-Ghadafi.

Dagaalka ayaa isla fiidnimadii Axadda gaarey halka loo yaqaan Barxadda Cagaaran (Green Square), halkaas oo ahayd goob habeenkasta la keeni jirey xoogaa dad ah oo taagersan Qaddaafi kuwas oo sawiradiisa ku dhunkada halkaas kuna dhawaaqa “Allaah, Mucammar, Liibiya wa Bes”.

Wakaaladaha wararka ayaa soo tebinayaa in laba diyaaradoo oo ka yimid dalka Koonfurta Afrika ay soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha ee Tripoli waxaana loo badinayaa in dalka ka saari doonaan Qadaafi iyo ehelkiisa.

Qabashadii Sayf Al-Islam Qadaafi

Mucaaradka ayaa dhankooda sheegtey in ay qabteen wiilkii Qaddaafi ee la aaminsanaa in uu dalka wax ka maamulaayey dalka Liibiya Sayf al-Islaam. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dacwad oogaha Maxkamdda ICC ee The Hague uu xaqiijiyey in gacanta lagu hayo Sayf al-Islam isla markaana uu ku sugan yahay meel aamin ah. Maxkmadda ICC ee The Hague ayaa waaran in la qabto ah u goysey Sayf al-Islam iyo Aabihiis Qadaafi.

Telefishanka dalka Liibiya oo weli hawada ku jira isaga Signalkiisu xun yahay ayaa soo tebiyey saacaddu markey ahayd 23:30 waqtiga Liibiya, fariin ka timid caqiidka Liibiya ee gabalkiisi dhacay Mucamar al-Qaddaafi, waxaana uu fariinta ku sheegay in uu dalka ku sugan yahay isla markaana xukunka ka degayn!.

“Tripoli hadda waa sida Baqdaad waana la bur-burinayaa” ayuu yiri Qadaafi

Qaddafi ayaa lagu waramayaa in uu ku sugan yahay xaafadda keliya ee Mucaaradku aysan weli gelin ee Baab Al-Casiisa, waxaana Mucaaradku shaki geliyeen joogitaanka Qaddaafi ee Tripoli.

Jawaabaha Caalamka

Raysalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in waqtigii qaddaafi uu dhamaadey, waxaana la gudboon Qadaafi in uu hadda iska tago, loona baahan yahay in dalka Liibiya xasilooni lagu soo dabaalo, UK waxay horey ugu aqoonsatey Mucaaradka Dawladda saxda ah ee metesha Liibiya.

War murtiyeed laga soo saarey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in taariikhdii Qaddaafi ay soo xirantey, waxaana loo baahan yahay in Golaha metala mucaaradku ay u diyaar garoobaan sidii ay xaaladda u maareyn lahaayeen Qadaafi kadib.

Ciidamada Mucaaradka oo taageero dhanka cirka ah ka helaaya xulafada NATO ayey u suurta gashey todobaadkii u danbeeyey in ay gaaraan guulo isdaba joog ah, waxaana hadda la isweydiinayaa maxaa ka danbeyn doona Qadaafi kadib.

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho Horseedmedia

Related Items


Leave a comment