Burcadbadeeda oo Diley Afar Qof oo u Dhashey Dalka Maraykanka

Wednesday February 23, 2011 - 01:37:13
0 Comments
1077
Super Admin
Afar qof oo u dhashey dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in burcadbadeeda Soomaaliyeed ay dileen kuwaas oo qabsadeen Jimcadii la soo dhaafey. Burcadbadeeda ayaa ka qabsadey meel u dhaw xeebaha dalka Cumaan.

Telefishanka CBS News ayaa ku soo waramaya in burcadda uu ka hortagey markab dagaal oo ay iska leeyihiin ciidanka Badda ee dalka Maraykanka, waxaana ay gacanta ku dhigeen qaar badan oo kamid ah burcadbadeeda, halka ay qaarna dileen.

Ciidamada Mataykanka ee hawgalka galay ayaa sheegay in rasaas ay ka dhacdey doonta ay ku jireen afarta qof ee Maraykanka ah markii aan doonta gudaha u galney waxaan aragney 4-tii dalxiisayaasha ahaa oo meyd oo la diley, wararka ayaa intaas ku daraya in laba kamid ah burcadbadeedu ay dhinteen halka 13 kale la qabtey.

Doonta ay saarnaayeen 4-ta dalxiisayaasha Maraykanka ah ee u qafaalnaa Burcadbadeeda ayaan soo gaarin biyaha Soomaaliya waxaana la sheegay in ay ku soo wajahneyd Ceel Dhanaane sida ay qortey hay’addaECOTERRA

Waa martkii u horeysey oo burcadbadeedu ay dilaan dadka ay madaxfurashada u qabsadaan, waxaana tani ay muujineysaa khibradda ay ka heleen dhacdadii sanadkii 2009 ee lagu soo furtey Kabtan Maraykan ah isla markaana lagu diley saddex kamid ah burcadbadeedii haystey.

Magacayada 4 qof ee burcaddu ay dileen ayaa lagu sheegay Scott Adam iyo xaaskiisa Jean,Phyllis Macay iyo Bob Riggle.

Burhaan ali ahmed BTS

Related Items


Leave a comment