Shirkadda SKA oo beenisay in ay ka baxeyso Soomaaliya

Tuesday March 01, 2011 - 13:16:43
0 Comments
1028
Super Admin
Shirkadda SKA oo beenisay in ay ka baxeyso Soomaaliya

Muqdisho: Shirkadda SKA ee gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa beenisay warar sheegayay in ay garoonka isaga baxeyso, iyadoo dhinaca kale tilmaamtay in ay sii wadeyso howlaha ay ka heyso garoonka diyaaradaha.

David T. oo ah madaxa howlaha Shirkadda SKA International ee ka howlgasha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo ku aadanaa in shirkadda SKA ay la kulmeen gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya islamarkaana lagu amray in ay dalka Isaga baxaan.

Mr. David T. oo u waramayay Shabakadda WarbaahintaBurtinletimes ayaa xusay in aysan masuuliyiintooda la kulmin Afhayeenka barlamanka KMG Soomaaliya islamarkaana aysan kala hadlin arimo quseeya joogistooda iyo ka bixistooda garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxa howlaha Shirkadda SKA International David T. waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in shirkadda SKA ay joojin doonto howlaha ay ka wado garoonka Aadan Cadde International ayna isaga tagi doonto dalka Soomaaliya, waxa uuna warbaahinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fiirsadaan waxa ay qorayaan ka hor inta aysan ka sii deyn qalabka warbaahinta.

Shirkadda SKA ayaa horay qandaraas 10 sano ah oo ku aadan soo celinta bilicda iyo dib u dhiska garoonka ula saxiixatay madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyadoo ilaa iyo haatan Barlamanka KMG Soomaaliya aysan ansixin ka howlgaldeeda Soomaaliya, hase ahaatee intii ay ka howlgashay garoonka ayaa waxaa ay keentay qalab farabadan oo laga isticmaalo garoomada Caalamiga ah iyadoo sidoo kalana ay ka qeyb qaadato soo dajinta iyo rarida diyaaradaha isticmaala garoonka Muqdisho.

Ali Afgooye BTS

Related Items


Leave a comment