Jaamacadda Carabta oo QM Ka Codsadey In Hawada Liibiya Laga Sameeyo Qaybo Ka Caagan Diyaaradaha Dagaalka

Sunday March 13, 2011 - 04:35:09
0 Comments
1424
Super Admin
Ururka Jaamacadda Carabata ayaa isku raacay hindise lagu xakamaynaayo duqenta dhanka cirka ah ee diyaaradaha Col.Qadaafi ay ku hayaan mucaaradka ka soo horjeeda, qorshaha ayaa dhigaaya in hawada Liibiya ay noqoto mid ka caagan duulimaadyada Mileteri.

Shir aan caadi ahayn oo xubnaha Ururka Jaamacadda Carabtu ay ku yeesheen maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayey kaga dalbadeen Qaramada Midoobey in hawada Liibiya laga sameeyo qaybo ka caagan diyaaradaha.

Dalalka Ingriiska iyo Faransiiska ayaa qorshahan soo bandhigey isla markaana gadaal ka riixaya, waxayse arintan ka gadi waayeen ama ka dhaadhicin waayeen Midowga Yurub iyo Gaashaanbuurta Nato, kuwaas oo ku xirey in qorshaha Duulimaadyada lagu xakamaynaayo in uu ka yimaado dalalka Carabta.

Shirkii Jaamacadda Carabta ee looga hadlaayey xaaladda Liibiya ayaa cod looqaadey Xanibaadda duulimaadyada ee hawada Liibiya, waxaana u codeeyey inta badan dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, waxaana ka soo horjeestey dalalka Siiriya iyo Aljeeriya.

Dalka Ruushka oo iska leh diidmada qayaxan ee VETO, ayaan si cad loo ogeyn in uu qorshahan meel marin doono haddii golaha Amaanku cod geliyo, todobaadkii la soo dhaafey ayaa dalka RuushKU jaray dhamaan heshiisyadii ay hubka uga gadi jireen hoggaamiyaha Libya Mucamar al-Gadafi kaas oo dhexdabaalanaya dagaal ay la galeen shacbigiisu, waxaana dadka siyaasadda ka faalooda ku tilmaameen qorshahaas in dalka Ruushku aanu ka hor imaaneyn in weerarka dhanka cirka ah ee Qadaafi ku hayo shacbiga gadoodsan laga joojiyo.

Si kastaba ha haatee codsiga Jaamacadda Carabtu u jeediyeen Qaramada Midoobey waxaa si weyn u soo dhaweeyey kooxaha ku kacsan Col.Qadaafi kuwaas oo xarun ka dhigtey magaalada labaad ee ugu weyn dalka Liibiya Benghazi.

BTS

Related Items


Leave a comment