Burundi oo kun askari oo dheeri ah u soo dirtay Soomaaliya

Sunday March 13, 2011 - 04:48:15
0 Comments
998
Super Admin
Burundi oo kun askari oo dheeri ah u soo dirtay Soomaaliya

Bujumbura :Dowladda dalka Burundi ayaa sheegtay in 1,000 askari oo dheeri ah kana mid noqonaya ciidamada AMISOM ay labadii maalin ee la soo dhaafay u soo dirtay gudaha Magaalada Muqdisho.

Sida uu Wakaalada Wararka Reuters qadka taleefanka ugu sheegay sarkaal u hadlay dowladda Burundi oo lagu magacaabo Lieutenant Colonel Jastace isagoo ku sugan Bujumbura, dowladda Burundi ayaa lamabadii Maalin ee la soo dhaafay, waxa ay magaalada Muqdisho keentay kun askari oo ay sheegtay in ay ku xoojineyso ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Sarkaalkani ayaa sheegay in ciidamadaani cusub ay ka dhigayaan tirade ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya 4,400 oo askari kuwaasi oo uu tilmaamay in xiligaan ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dowladda KMG Soomaaliya.

“ Kun askari ayaan geyney Muqdisho labadii maalin ee la soo dhaafay si ay u xoojiyaan ciidamadeena kale ee Soomaaliya nabada ku soo celinaya, dowladda Burundi waxaa ka go’an in ay sii caawiso dowladda KMG” ayuu yiri Lieutenant Colonel Jastace.

Dhamaadkii bishii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dagaal u muuqday in uu ahaa duulaankii koowaad ee dowladda KMG kaasi oo ay hogaaminayeen ciidamada Burundi, waxaana dagaaladaasi Burundi uga geeriyooday lix askari.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horay uga dalbaday wadamada Uganda iyo Burundi in ay soo kordhiyaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya si ay u wajahaan dagaalo qorsheysan oo dowladda ay kaga hortageyso Xarakada Al Shabaab.

Wakaalada Wararka Reuters waxaa ay ku sheegtay tirada guud ee Muqdisho ka joogta wadamada Burundi iyo Uganda in ay gaarayaan 9,000 oo askari inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in tiradu ay intaasi ka badantahay.

BTS

Related Items


Leave a comment