Ciidamada Sucuudiga oo Gudaha u Galay Dalka Baxreyn

Tuesday March 15, 2011 - 07:58:52
0 Comments
1403
Super Admin
Ciidamada Mileteriga dalka Sucuudiga ayaa maanta ka degay caasimadda dalka Baxreyn ee Manama.

Sida ay ku soo waramayaan dadgoobjoogayaal ah oo u waramay warbaahinta caalamka qiyaastii 1000 askeri oo ka socda dalka Sucuudiga ayaa gaarey Manama si ay u difaacaan xarumaha dawladda dalka Baxreyn, halkaas oo ay ka socdaan mudaaharaadyo looga soo hojeedo Boqortooyada dalkaas.

Dalka Baxreyn oo kamid ah dalalka Khaliijka Carabta ayaa la sheegayaa in uu ka codsadey dalka Sucuudiga in ay gacan ka siiyaan dhibaatooyinka ka dhashey mudaaharaadyada ay wadaan dadka u badan shiicada ee dalka Baxreyn, waxaana jira heshiis u dhexeeyey dalalka Khaliijka heshiiskaas ayaa dhigaaya in haddii dawlad kamid ah kuwa khaliijku ay gasho ciriiri ama khatar loo gurmado, waxaana heshiiskaas loo soo gaabiyaa GCC (Gulf Cooperation Council)

Qofkatirsan hay’adda amaanka dalka Sucuudiga isla markaana ka gaabsadey magiciisa ayaa warbaahinta AFP u sheegay in 1000 askeri u direen Jasiirada Baxreyn, kuwaas oo ka gudbey buunada isku xirta labada dal, laakiin ma jiro war cad oo ka soo baxay dalka Baxreyn kaas oo xaqiijinaaya sugnaanta warkaas.

Dadka ku dhaqan dalka Baxreyn ayaa gaaraya 1. 2 milyan oo qof, waxaana ay u badan yihiin kuwa aaminsan madhabta Shiicada, kuwaas oo ay saameyn ku leedahay dawladda dalka Iran, waxaana ay doonayaan in ay helaan xuquuq ka badan midda ay hadda haystaan isla markaana dalka awoodiisa lagu wareejiyo Baarlamaan la soo doortey iyo Raysalwasaare Boqorkuna noqda sida kuwa reer Yurub mid sharafeed aan awood lahayn.

Boqortooyada Ala-Khaliifa ee Jasiirada Baxreyn ayaa balan qaadey in ay samaynayaan isbdeleo badan, waxa ay balan ku qaadeen Mushahar kordhin, lacago dheeraad ah oo la siiyo qoysaska Baxreyn, dhismayaasha guryo cusub, Waxabarasho iyo adeeg caafimaad oo hagaagsan, Isbedeladaas ayaa dadka caraysan ee u badan Shiicadu ku tilmaameen mid yar oo soo daahey loona baahan yahay isbedel dhamaystiran.

BTS

Related Items


Leave a comment