Musharaxa Madaxweynaha Cali Cabdi Aware oo la kulmay Jaaliyadda dalka Holland

Thursday March 17, 2011 - 22:16:58
0 Comments
1896
Super Admin
Siyaasiga u sharaxan jegada Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaliya Cali Cabdi Awaare oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa dalka Holland kula kulmay qaar kamid ah jaaliyaddaha Hollada iyo Belguim.

Kulankan oo habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Eindhoven ee dalka Holland ayaa waxaa halkaasi dood dheer iyo wada hadal kula galay xubnihii kulankaasi ka soo qeyb galay.

Siyaasiga oo todobaadyadii lasoo dhaafay safaro ku marayey dalalka Yurub qaarkood, ayaa jaaliyadda dalka Holland iyo waliba Belguim ka codsaday taageeradooda siyaasadiisa ku aadan dalka Soomaaliya iyo musharaxnimadiisa.

Cali Cabdi Awaare oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu doonayo inuu wax ka bedalo siyaasada Soomaaliya asagoo sidoo kale ka hadlay arrimo ay kamid ahaayeen;

Xiriirka sii xumaanaya ee DFKMG iyo Dowlada Puntland
Xaalada ka taagan gudaha deegaanada Puntland
Dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira gobalada SSC
Xisbiyada Puntland iyo arrimo kale oo badan.

Kulankaas ayaa asana waxaa ka hadalay Xildhaban Said Ahmed Oday oo Ahaa xildhabanadii DKMG,

Asaga oo sheegay waxa uu wadanka uga soo kacay waa wax qabad la ;aan sidaa darteed kula dar daarmay musharax wax qabad dhab ah iyo umada oo lo adeego si dacadnimo ku jirto

Siyaasiga ayaa su’aalo laga weydiiyey xaalada ka jirta gobalka Sool, Sanaag Cayn iyo siyaasada Puntland ee ku aadan maadaama uu horey wasiir uga soo ahaa Dowladihii hore ee Puntland.

Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in wax weyn uu deegaanadaas ka qabtay xiligii uu ahaa Wasiirkii Dowladaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga, asagoo soo qaatay dhismihii golayaasha deegaanka ee uu ka hirgeliyey inta badan degmooyinka Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, marka laga reebo magaalada Laascaanood oo uu sheegay in lagaga soo horjeestay qorshihii dhismaha deegaanka, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka ahayd dhibaatooyinkii keenay in ay gacanta ka baxdo magaaladaasi xarunta u ah gobalka Sool.

Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in dhulka ka maqan Puntland ay muhiim tahay in wax laga qabto, asagoo markaasi sheegay in loo baahan yahay in la dhageysto oo taageero loo fidiyo shacabka SSC baahidooda.

Waxaa sidoo kale arrimihii ugu waaweynaa ee wax laga weydiiyey kamid ahaa arrinta xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo DFKMG ee sii xumaanaya asagoo sheegay DFKMG ee xiligan joogta ay lahayd khaladka, kadib markii ay diiday dowladaasi inay soo dhaweyso xiriirka siyaasadeed ee la leedahay Dowlada Puntland.

“…Dowlada xiligan joogta ee FKMG ayaa ku khaldaneyd markay diiday inay miiska la fadhiisato Puntland, taasi baa keentay go’aanka ay dowlada Puntland qaadatay…” ayuu yiri Cali Cabdi Awaare oo kulankaasi ka hadlayey.

Siyaasiga ayaa sidoo kale hadlay qorshihiisa ku aadan waxa uu ka bedali doono siyaasada Soomaaliya, asagoo sheegay in waxa manta ummada Soomaaliyeed u baahan tahay ay tahay wax qabad, asagoo tusaale usoo qaatay xiligii uu wasiirka ka ahaa Puntland inuu ku guuleystay inuu dhismo dhamaan maamulada degmooyinka badan ee deegaanada Puntland, isla markaana dhiiri geliyo dimuquraadiyada heerka golayaasha Degmooyinka.

Wuxuu sidoo kale siyaasigu ka hadlay in lama huraan ay tahay deegaanada Puntland in xiligan laga hirgeliyo nidaamka asxaabta badan si loo helo codka shacabka.

Waxaa sidoo kale siyaasiga la weydiiyey in siyaasiga uu sidoo kale isu soo sharaxo jegada Madaxweynaha Puntland, hadii uusan ku guuleysan tan DFKMG, arrintaasi ayuu Cali Cabdi Awaare uga jawaabay in markii wakhtigeeda la gaaro uu eegi doono isla markaana aysan jirin wax ka horjoogsan kara inuu isu sharaxo jegada Madaxweynaha Puntland.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan ayadoo lagu wado in maalmaha soo socda uu Cali Cabdi Awaare uu gaaro magaalada Stockholm ee dalka Sweden halkaasi oo uu kula kulmi doono haduu eebo idmo jaaliyada halkaasi ku dhaqan.

Cali ayaa horey usoo maray magaalooyinka London, iyo Gotenburg ee dalka Sweden.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment