Xoogaga reer Galbeedka oo duulaan cirka iyo bada ku qaaday dalka Liibiya

Sunday March 20, 2011 - 18:32:16
0 Comments
1184
Super Admin
Xoogaga dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa weeraradii ugu horeeyey xalay ku qaaday xarumaha militariga ee dalka Liibiya, ayagoo adeegsaday diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka

Maraakiibta dagaalka ee leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa 120 gantaal ku tuuray xarumaha difaaca cirka ee dalka Liibiya, ayagoo sheegay inay xoojinayaan go’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogay dalka Liibiya in laga sameeyo hawada ka caagan duulimaadka dayuuradaha dagaalka.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa ayaguna weeraro ku qaaday gaadiidka dagaalka ee ciidamada Liibiya kuwaasi oo ku hareeraysan magaalada labaad ee dalkaasi ee Bengasi.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah gaadiidka dagaalka oo isugu jira kuwa taangiyada iyo kuwa kale ee lidka diyaaradaha oo ay lahaayeen ciidamada Qadaafi ayey diyaaradaha Faransiiska ku duqeeyeen duleedka magaalada Bengazi.

Bengazi oo ah xarunta ugu weyn oo ay gacanta ku hayaan xoogaga kasoo horjeeda Qadaafi ayaa maalinimadi shalay waxaa qeybo kamid ah gudaha usoo galay ciidamada Qadaafi, wallow maanta oo Axad ah la sheegay in halkaasi ay dib isaga baxeen ciidamada dowlada oo ay dib magaaladaas gacanta ugu wada dhigeen xoogaga mucaaridka.

Maalinimadii shalay ayaa magaalada Bengazi lagu soo riday diyaarada nooca dagaalka ah oo ay wateen xoogaga mucaaridka ee fadhigiisu yahay magaalada Bengazi, diyaaradaasi ayaa si khalad ah waxaa usoo riday isla xoogaga mucaaridka oo ku khalday diyaaradihii Qadaafi.

Madaxweynaha Liibiya Col.Qadaafi oo ka hadlay telefishinka Liibiya ayaa sheegay in xoogaga gaalada ah ay weerar kusoo qaadeen dalkiisa, isla markaana iska difaaci doonaan, wuxuu sheegay in shacabka Liibiya la hubeyn doono si ay isaga difaacaan weerarkan dibada uga yimid.

Telefishonka Liibiya ayaa sheegay in duqeyntii xoogaga reer galbeedka ay ku dhinteen dad gaaraya 48 ruux oo rayid ah ayagoo sidoo kale sheegay in duqeynta lala beegsaday goobo militari iyo goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah, waxayna tirade dhaawaca ku sheegeen in ka badan 100 qof.

Maalinimadii shalay kulan caalami ah oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayey ku kulmeen wadamada reer Galbeedka iyo kuwa ka socda jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika, kulankaasi ayaa looga hadlay bilowga tilaabo militari oo ka dhan ah Col.Qadaafi.

Jaamacada Carabta ayaa ayadu horey u taageertay in xayiraad iyo cadaadin lagu soo rogo dalka Liibiya, walow Midowga Afrika uu arrintan kasoo horjeestay, dalalka Carabta sida Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan tilaabada militari ee ka dhanka ah Xukuumada Col.Mucamar Qadaffi.

BTS

Related Items


Leave a comment