African SKy oo shir ku qabatay wadanka Nederland Gaar ahaan Magalada Amsterdam.(Sawiro)

Tuesday March 22, 2011 - 02:10:49
0 Comments
2588
Super Admin
Waxaa magalada Amsterdam ee wadanka Nederland ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay Ururka African SKy oo ah urur ka dhisan wadanka Nederland Taariikhdu markay ahayd 18/3/2011

Shirkaas oo ahaa Mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay uga qayb qadan lahaayeen wax ka badlida Datuurka qabyo qoraalka Gabdhaha somaliyeed .
Shirkaas oo Lagu falan qeeyey Dastuurka qabyo qoralka Kaas ay Gabdhaha somaliyeed Aay isku raaceen in ay ka qeybqaatan sixitaanka qoraalka wax ka badalida qabyo qoraalka iyo in gabdhuhu door muhiim ah ka ciyaaraan .

Godoomiayaha Ururka Afrcan SKy Istarliin Ismail oo Hadalka lagu so dhaweeyey ayaa ku dheeratay in ay Gabdha somaliyed Isku Duubnaadaan
Kana qaybqaataan Sixitaanka si aysan mustaqbalka u oran waxba nala kama ogaysiin Mantay baa ka qayb qadan karnaa jaaniskaas yuu ina dhaafin hadaan nahay Gabdhah somaliyeed
Sidoo kale waxaa ayduna halkaas ka hadashay Sahra naaleeye oo ah Gabadh somaliyeed aad na looga yaqaan wadanka nederland
Ayda oo ku raacday Gudoomyaha ururka African SKy .Sidoo kale waxaa ayguna halkaas ka hadlay Sucaad Abdirahman Iyo Sahra ahmed
waxayna isku raaceen ama ay isku aragti noqdeen Gudoomiayah Ururka Istraliin ismail .
Waxaa Shirkaas ka soo qayb galay madax ka socota wadan ka nederland oo kala ahaa Gabadha lagu magacaabo
Dewi Koning (oo ka socotay Xisbiga shaqalaha markii la soo Gaabshana loo yaqaan, (PVDA )
Ayada oo Sheegtay in ay ku faraxsan tahay shirkaan isla markaasna tiri waxaan diyaar u nahay in aan
markasta idin kala shaqayno Dhanka isku Duubnida iyo arimaha Bulshada, ayada oo Balan ka qaaday la shaqayndoonaan xisbi ahaan.
ugu danbayntii ayaa microphoneka lagu soo dhaweeyey Mudane Ewout Irrgang oo ahaa xibiga soo shaalka ama magicisa markii la soo Gaabsho loo yaqaan (SP)
Asagoo balan qaday in uu la shaqayn doono Ururkaan african SKy
Shirkaan ayaa ahaa kii ugu horeyey ee ay gabdhah somaliyeeed ay isku fakar ka noqdaan ayaga oo kuligood isku raacay in ay ka wada shaqeeyaan isku duubni iyo wax wada qabsibuuxa .
Shirkaas oo Ku dhamaday Sidii loogu Tala Gaalay isla markaasna lagu balamay in uu dhaco shirka danbe Bisha appril,Shirkaasayaa Wuxuu damaba socdaa Shir ka dhacay wadanka kenya Gaar ahaan magalada Nairobi Taariikhdu markay ahyd 9-9-2010.

Abdihakin yare Amsterdam

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment