Dr.Augustina P. Mahiga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaarey Garoowe

Friday March 25, 2011 - 02:15:27
0 Comments
2244
Super Admin
Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr.Augustina P. Mahiga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaarey Caasimadda Puntland ee Garoowe

Wefdiga Dr.Mahiga ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland oo isaguna maanta soo gaarey Garowe.

Shir ay albaabadu u xirnaayeen kadib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadley Madaxweyaha Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Dr.Faroole ayaa sheegay in ergayga iyo Puntland ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo weliba arimaha bini’aadanimada iyo dadka gargaarka u baahan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobey uu aad ugu mashquulsan yahay xaaladda isbedelka Soomaaliya taas oo meelo kamid ah Soomaaliya uu u booqdey.

Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in mowqifka Puntland ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey iyo sida ay u arkaan xalka Soomaaliya iyo halka ay ka dhawdahay in laga bilaabo, waxaana uu ku amaaney Dr. Mahiga dedaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya xal loogu helilahaa.

Dr.Augustina P. Mahiga ayaa dhankiisa sheegay, in Qaramada Midoobey ay garwaaqsan tahay doorka Puntland ee ku aadan xal u helida siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay qaababkii hore loogu dayey in Somaliya ay xal yeelato wax laga baddalo isla markaana la helo dhabbooyin kale oo ka waxtar badan.

Maalintii shalay ayaa Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu tegay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaas oo kulamo ku aadan xaaladda Soomaaliya kula soo qaatey Madaxda Somaliland ee iyagu saxaafadda ka sheega in aan sinaba loogu darin Miiska Soomaaliya.

Waxaa socda dedaaladdii u danbeeyey ee Soomaaliya dawlad cusub loogu soo dhisi lahaa taas oo beddesha tan uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif marka la gaaro bisha August ee sanadkan, waxaana fashil ku dhamaadey shir hordhac ah oo la doonaayey in lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo ay ka soo qaybgeli lahaayeen dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, marka lagareebo Xarakada al-Shebab ee ka talisa inta badan Koonfurta Soomaaliya.

Booqashada wafdigan heerka sare ah ee ka socda Qaramada Midoobay ayaa loo badinayaa inuu qeyb ka yahay sidii Qaramada Midoobay ay xal ugu heli lahayd khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Dowlada Puntland iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Dowlada Puntland oo ah dowlada kaliya ee ka jirta gudaha Soomaaliya ee horey xiriirka iyo waxqabadka uga dhaxeeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay joojisay xiriirkii ay la lahaayeen Dowlada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey madaxda sare ee DFKMG inay caqabad ku noqdeen dadaalo badan oo ay dooneysay Puntland inay kaga qeyb qaadato arrimaha siyaasadSoomaaliya iyo dhanka horumarinta.

Wax faah faahin ah Madaxweynaha Puntland iyo Ambassador Mahiiga kama aysan bixin in wax xal ah loo helay khilaafkii jiray, xili wakhtiga u haray Dowlada Federaalka uu marayo heer gabo gabo ah, isla markaana Qaramada Midoobay isu diyaarineyso sidii loo heli lahaa Dowlad Cusub oo Federaal ah oo ay Puntland taageerto.

Dowlada Puntland ayaa gebi ahaan diidan in wax wakhti ah loogu daro ama loo kordhiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee xiligan jirta, sidoo kale Dowlada Puntland ayaa dooneysa in wax laga bedalo qaabka awood qeybsiga ee 4.5 taasi oo ay Puntland sheegtay inaysan dooneyn, isla markaana ay ku raacsan yihiin maamulada ka jira gobalada iyo dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca, sida uu Madaxweynaha Puntland ku sheegay warbixintii uu bixiyey markuu dalka dib ugu soo noqday.

Ambassador Mahiiga ayaa horey kulamo noocaan ah ulla yeeshay madaxda Dowlada Federalaka Soomaaliya walow aysan jirin weli wax natiijo ah oo kulamadaasi kasoo baxay.

Cabsida ugu weyn ee Qaramada Midoobay ka qabto dhanka DFKMG ayaa ah in burbur ku yimaado maamulkaasi ay horey wax badan usoo taageereen, xili uu sidoo kale khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Baarlamaanka DFKMG iyo Xukuumada oo isku heysta xil kordhintii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku darsaday wakhtigiisii muddo 3 sano ah.

BTS

Related Items


Leave a comment