Xasan Daahir oo ku eedeeyay shacabka Muqdisho in ay la jiraan dowladda

Sunday March 27, 2011 - 15:56:42
0 Comments
1270
Super Admin
Xasan Daahir oo ku eedeeyay shacabka Muqdisho in ay la jiraan dowladda

Xasan Dahir Aweys oo ah sarkaal ka tirsan al-shabaab ayaa ku eedeeyay dadka deggan Muqdisho iyo hareereheeda in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya ayna ka soo horjeedaan in ay la shaqeeyaan al-shabaab oo ay gacan ku siiyaan waxa uu ku sheegay dagaalka jihaadeedka .

Mr. Aweys oo la hadlayay qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan Ceelasha biyaha ayaa sheegay in inta badan shacabka ku dhaqan Muqdisho ay rajeynayaan oo ay rabaan in ay guul dareestaan kooxaha islaamiyiinta ayna guuleysato dowladda .

"Dadka raba in al-shabaab laga guleysto waxa ay rajo ka leeyihiin in ay helaan nabad been ah, waana ognahay kuligiin niyadda ayaad ka taagersan tihiin dowladda", ayuu yiri Xasan Daahir.

Inkastoo Mr. Aweys uu ku hadlo magaca al-shabaab hadana ma jirto wax jago rasmi ah oo uu ka hayo ururkaasi tan iyo markii ay la "midoobeen" Shabaabka .

BTS

Related Items


Leave a comment