Hab-raaca marxaladda kala guurka iyo qorshe howleedka dowladda 2011-2012

Tuesday March 29, 2011 - 12:22:45
0 Comments
2313
Super Admin
Dowladda Fedralka kmg ee Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta maamul leh hufnaan karti iyo ujeeddooyin qeexan islamarkaana Xanbaarsan Qaabka ugu Haboon ee looga gudbi karo xiliga ku meel gaarka iyadoo Dalka aanay ka dhicin Xili dowlad la’aan (vacuum).

Aragtida Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Hirgelinta & ku Dhaqanka shareecada Islaamka, Nabad kuwada Noolaansho , Midnimo, Talo wadaag, Iskaashi & in Shacabka Soomaaliyeed soo Ceshada Kaalintii, Sumcadii iyo Haybadii uu caalamka ku lahaa, Noqdana xubin firfircoon oo Buuxiya kaalintii uu aduunka kaga Jiray.

UJEEDOOYINKA:

· Ujeedooyinka Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Baadi goobka, Midaynta, Kalsoonida, Qadarinta , Iskaashiga & is ixtiraamka Dhamaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed, Beesha, Caalamka & Wadamada Dariska .

· Dhismaha Wadanka Guud ahaan gaar ahaan Dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaalada, Shuruucda, Dhaqaalaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Bulshada, Hubka dhigista & Dhaqan Celinta.

· Tayeynta, Abuurista & Howl gelinta Hay’ado leh Qaab Maamuleed Hufan oo leh Laxisaabtan Qeexan (Tranesprency and Accountipilty).

QORSHAHA LOOGA GUDBI KARO MARXALADA DHAMAADKA WAKHTIGA TFG EE AUGUST 2011:

Ugu horeyn waxaa haboon in lays weydiiyo sida ugu haboon ee loo wajihi karo marxalada dhamaadka Wakhtiga TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011.

Waxaa Muuqata Muhiimada Jiritaanka TFG & Axdiga kmg inta laga gaarayo Dowlad Rasmi ah oo dalku yeesho, dhamaan Masuuliyiinta, Heyadaha iyo Shuruucda Dalka waxay ku dhisan yihiin Axdiga kmg iyo Shuruucda kalee lagama maarmaanka ah.

- Haddaan dib ugu laabano Axdiga kmg Qodobkiisa 32aad Faqradiisa 1aad wuxuu leeyahay mudada Golaha Shacabku waa (Shan) Sano.

- Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 4aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabka lama kordhin karo.

- Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 2aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabku waxay ku egtahay Taariikhda la ansixiyo Doorashada Xigta ee Golaha Shacabka.

- Hadaan eegno Qodobkan 32aad faqradiisa 4aad waxaa baabiyay heshiiskii Jabuuti 2009 kaa soo ogolaaday in wakhtiga Dowlada Federalka kmg lagu kordhiyo 2 sano.

- Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo Jiritaanka dowladnimada ka hor intaanay dhamaanin Wakhtiga Sharcigu tilmaamay iyadoo loo maraayo qaabka sharci ahaan ugu haboon isla markaana ay ku jirto danta guud ee dadka, dalka iyo diinta.

- Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inaan is barbar dhigno dhammaan talaabooyinka Axdigu tilmaamayo iyo marxaladaha lagama maarmaanka ah ee ay Duruuftu Keentay.

- Waxaa loo baahan yahay in dhammaan rabitaanada shakhsiga & danaha gaarka ee Siyaasadeed Laga hormariyo danaha dalka, Shacabka, diinta iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed.

- Hadaan eegno dhammaan talaabooyinka suura galka si Heyadaha Dastuuriga ee Qaranku uga gudbaan marxaladan kala Guurka oo run ahaantii ku soo beegantay.

1. Xili aad xasaasi u ah oo dalku ku jiro dagaal ay kooxaha nabad diidka ahi ku hayaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

2. Abaaro Saameeyay dhammaan dalka Soomaaliyeed Dad & Duunyo.

3. Barakac ay sababeen Dagaalo & Abaaro.

MUUQAALKA & NIDAAMKA DAWLADDA TFG EE XILIGAN

Waxaa si hufan u Muuqata Nidaam Dowladnimo oo Cagaheeda isku taagtay buuxisayna dhammaan Habraacii Dowladdeed Sida:

- Baarlamaan Qaran oo si wadaniyadi ku dheehan tahay u gudanaya waajibaadkooda una dhabar adaygay siday dalka uga gudbin lahaayeen marxaladahan qalafsan.

- Xukuumad kooban oo leh Furfurnaan Siyaasadeed, oo ay Han weyn u hayaan Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka.

- Qaab xisaabeed dheeli tiran lehna miisaaniyad Sanadeed Si sharci ah loo ansixiyay looguna dhaqmayo.

- Dhismaha & tayeynta Dhamaan Heyadaha qaranka iyo kaabayaashooda.

- Nidaam iyo la xisaabtan Dowlad wanaag oo ku wajahan horumarinta adeega Dadweynaha, Dib u dejinta Barakacayaasha, dhiirigelinta iyo kor u qaadista howlgelada gargaarka Biniadanimo , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.

- Ciidan Qaran oo Tababaran Diyarna u ah Difaaca & Soo Celinta Nabadgelyada Dalka.

- Howlgal ciidan oo si qotodheer looga fikiray loona dhameystiray kuna wajahan soo celinta amniga dalka oo dhan, Lehna qorshe kala horeeya oo wakhtiyaysan .

- Qorshaha dhaqan Celinta, abuurista xirfado Shaqo iyo Horumarinta Garaadka ee ku Wajahan dhalinyarada Soomaliyeed taasoo horseedaysa in la badbaadiyo mustaqbalka dalka.

- Qorshe Dib u heshiisiineed oo laga hirgalinaayo dhamaan Dalka.

- Horumarinta Siyaasada dibada & Iskaashiga Caalamiga.

- Dhameystirka & Hirgelinta Qabyo Qoraalka Dastuurka Federalka.

Sidaasi darteed dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Qaranka & qof kastoo ay taabaneyso xaqiijinta Jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay ka fikiraan dhammaan marxaladaha lagama maarmaanka iyagoo maskaxda ku haya qodobada kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan.

Haddaba si loo dhameystiro loona sii taaba geliyo dhammaan geedi socodka Horumarka & Bedbaadinta Qaranka waxaa lagama maarmaana in Xiliga dhamaadka TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011 isla markaana ay ahayd in loo dareero Doorasho Si shacabku u soo doorto Xildhibaanadii Matali lahaa iyo Madaxdii kale qaranka.

HADABA:

- Marka si dhaba loo eego xaalada wadanka , xogogaalnimada, waayo aragnimada & masuuliyada naga saran dalka & Shacabka Soomaaliyeed.
- Markaan eegno xaalada & xeeladaha cadowga dibada & gudaha.
- Markaan Cabiro muuqaalka Siyaasadeed & midka military ee u qorsheysan Dowladda kmg, Markaan Qiimayno Taageerada Beesha Caalamka ee Xiligan.

- Waxaa lagama maarmaana inaan Heyadaha Dastuuriga ee Qranka Siino Wakhti ku filan oo ay ku dhameystiraan Howlaha Baaxada leh ee horyaala.

- Hadaba Si Dowladda kmg ay dalka uga Saarto Xiliga ku meelgaarka loona helo Dowladd Rasmi ah waxaa lagama maarmaana in la dhameystiro lana hir geliyo Dastuurka Qabyada si shacabka Soomaaliyeed Go,aan uga gaaro Rabitaanka Mustaqbalkiisa.

- Sidaas darteed Xukuumada kmg waxaa u cadaatay inaanay Suura gal ahayn in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Bisha Augost 2011 Sidaas darteed Xukuumadu waxay soo jeedinaysaa In Doorashada la Qabto Bisha Augost 2012.

- Mudanayaasha sharafta leh waxaan xusuusinaynaa in haddii dalku galo Xili isbedel oo dhinaca Heyadaha Dastuurig ay dhici doonto Khataraha Hoos ku qoran iyo kuwo kaloo badan xitaa haddii saameynta isbedelku qaadaneyso mudo kooban .

- Xukuumada KMG iyadoo ka ambaqaadeysa Dhammaan Qodobada Kor ku xusan, Isla markaana aragta Khatarta dhamaan Qodobada Hoos ku Qoran & kuwa kaloo aan halkan lagu soo koobi karin waxay xubnaha Golaha Baarlamanka ee sharafta leh u soo jeedinaysaa inay tixgaliyaan mudnaanta iyo Baahida Dib u dhigista Xiliga Doorashada.
Haddii aan mid mid u soo qaadano dhammaan talaabooyinka kale ee laga fakari karo oo ah sidan:

ARAGTIDA IN XILDHIBAANADA LAGA SOO DOORTO DEEGAANADOODA:

In dalka doorasho ka dhacdo oo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda waxay u baahan tahay in la fuliyo dhammaan Qodobadan:

- Sugida amaanka dalka.

- Tiro koob dhab ah.

- Xaqiijinta Xuduudaha Degmooyinka & Gobolada.

- Sameynta & ansixinta xisbiyo siyaasadeed iyo shuruucdooda.

- Dhismaha Gudiga Doorashooyinka.

- Wacyigelin.

- Diwaan gelin.

- Agab/Dhaqaale.

Sidaasi darteed haddii aan eegno Xaqiiqada dhammaan marxaladaha uu xanbaarsan yahay qodobkan waxaa Cad inaysan suura gal ahayn in dalka doorasho ka dhacdo.

ARAGTIDA QABASHADA SHIR WEYNE QARAN:

Arinta kale ee la is weydiin karo waxay tahay in la qabto shir weyne laysugu keenayo xubno Soomaaliyeed oo laga soo xulo qabaa’ilada isla markaana dib loo dhiso Gole Baarlamaan kaasoo lamid noqon doona 99% kana dhib iyo fashil badnaan doona kii lagu qabtay dalka Kenya ee Mpagathy.

- Waxaa adkaan doonta in la helo Gole Baarlamaan oo bedela midka hada dhisan,
- waxaa dhaci doona in Qabaailadu ku heshiin waayaan xulitaanka xubnaha Ergada shirka & qeybsiga tirada Barlamaanka, Shirkani wuxuu qaadan karaa in ka badan 2/3 Sano.

- Sidoo kale wuxuu u baahan yahay Abaabul, Dhaqaale xoog leh iyo Siyaasaddii hagi lahayd taasoo u baahan mudo dheer oo loogu diyaar garoobo:

Haddii aan eegno labada Qodob ee doorasho iyo Shirweyne waxay keenayaan dhowr khatarood sida,

- In dalku noqdo Dowlad la,aan mudo oo uu yimaado (Vacuum) inta lagu jiro marxalada Isbedelka howshan oo sidaan sheegnay qaadan karta mudo dheer oo aan xad lahayn.

- Inay adkaato inay soo baxaan wax Soomaali ay heshiis ku tahay oo lamida ama ku dhaw midkaan manta haysano.

- In kooxaha Argagixisada oo xiligan ku jira marxalad adag oo isugu jirta Burbur & khilaaf dhexdooda inay Midoobaan iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada marxalada kala guurka.

- In Shacabka Soomaaliyeed oo hadda ku dhiiraday inay muujiyaan Ficilada & dareenka ay kaga soo horjeedaan kooxaha Argagixisada ay han jabaan oo u nuglaadaan fikradaha Shababka.

- In Kooxahan Argagixisada oo hadda ay soo wajahday dhaqaale la,aan xoogan iyo Dhibaatooyin kaloo badan inay helaan fursad ay markale is ku Abaabulaan iyaga iyo Ajaaniibta Dibada Dhaqaalaha uga soo dirta iyagoo ka faa’iidaysanaya Xiliga kala guurka .

- In kooxaha Argagixisada ahi u gacan haatiyaan Xubno badan oo ka mida Ciidamada Dowladda, Masuuliyiin, Dadweyne iyo Ganacsato kuwaas oo si ay naftooda u badbaadiyaan ay suura gal tahay inay ku biiraan iyagoo ka shaki qaba in dowladnimadu sidaa ku burburto oo la soo dhisi waayo Dowlad cusub taa soo suura gala 99%.

- In kooxaha Argagixisada ahi ay qabsadaan Deegaano kale oo aysan hada Gacanta ku haynin kuna sii fidaan Dowladaha Dariska & Guud ahaan Caalamka.

- In ciidamada AMISOM ay ku adkaato Joogitaanka dalka & howsha ay hadda hayaan kadib markay waayaan dowlad ay la shaqeeyaan.

- Waxaa Cad in Ciidamada AMISOM ay soo wajahayso Jahwareer iyo khatar kaga imaaneysa Dibada & Gudaha dalka waxaana socda Qorshe kooxaha Argagixisada ahi wadaan oo ah inay khasbaan kacdoon shacab oo ku jihaysan Amisom shacabkuna wuxuu u arki karaa in Shabaab guuleystay oo aysan haysan fursad kale.

- Sidoo kale Banaanaantani waxay keenaysaa in dhamaan dhismayaasha iyo kaabayaasha dowlada ee hadda soo kabanaya ay baaba,aan oo dib loo burburiyo sida ka dhacday magaalada Baydhabo Xiligii shirkii Jabuuti 2009.

- Waxaa baabi’I doona dhamaan xoogaga Ciidamada Dowlada ee hada dhisan, Sidoo kale waxaa Gacanta Shabaabka geli doona Hub iyo Saanad Military oo aad u tiro iyo Tayo Badan Sidii hore uga dhacday Magaalada Beydhabo Xiligii Shirkii Jabuuti 2009.

- Waxaa xoogaysan doona Kooxo, Qabaa’ilo, Jabhado & Shakhsiyaad xiligan ku jira Diyaar Garow & hub uruursi sugayana Xiliga isbedelka ee Dowlad la,aanta waxaana si degdega u howlgeli doona Qabqablayaal Dagaal oo Dalka dib ugu celin doona Dagaal iyo Fawdo.

HIRGELINTA DASTUURKA QABYADA AH:
Waxaa jira fikiro taageersan in si ku meelgaara loo hirgaliyo Dastuurka qabyada, Fikirkani kama foga in shirweyne la qabto waxaana lagama maarmaana in laysu keeno Odoyaal, Aqoon yahano & Xubno ka soo jeeda Bulshada Rayidka taa soo loola jeedo in si aan Afti dadweyne ahayn loo ansixiyo Dastuurka qabyada.

Arintani waxay keeni kartaa dhowr arimood oo kala ah:

1. In shirku socdo mudo dheer isuna bedelo shirweyne Qaran oo la mida kuwii hore.

2. Inay dhacdo kala afkaar duwanaansho Ergada dhexdeeda oo horseedi karta in la ansixin waayo Dastuurka Cusub, Axdiga kmg laga tago oo ay soo baxdo (Constitutional Vacuum).

Fikradahani waxay isugu jiraan kuwo ku jihaysan:

1. In la yareeyo tirada Xildhibanada.

2. In Xildhibaano Cusub Qabaa’iladu soo xushaan oo hogaamiyeyaasha dhaqanka arinta dib loogu Celiyo.

Haddii arintani dhacdo waxaa muuqata khatarta Mustaqbalka Soomaaliya oo noqon doona in yagleelka Qaranimada mar kale la Burburiyo.

Qaar kamida kooxaha dowladnimada diidan oo ku gabanaya qaab Beeleedka iyo Shakhsiyaad leh rabitaan Siyaasadeed ayaa Diyaar u ah inay ka faa’iidaystaan Fursadan iyagoo khilaaf ka dhex abuuraya Ergada shirka, Khilaafka 1aad na wuxuu noqonayaa Cida Shirka ka qeybgaleysa, tirada Ergada sida loo qeybsanayo Ergada iyo arimo kaloo badan, arintani hore ayay uga soo dhacday shirarkii hore.

Run ahaantii lama soo koobi karo Khatarta iyo mushkilada ka abuurmi doonta haddii la qaato midkastoo kamida 3da Qodob ee kala ah Doorasho, Shirwayne & Ku dhaqmida Dasturka qabyada ilaa si buuxda oo sharci ah loo dhameystiro loona meelmariyo.

GUNAANAD

Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka;

Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan:

· Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin.

- Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban).

- Dowlad Wanaag. - La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

- Dhameystirka Dastuurka Qabyada.

- Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah.

- Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya.

- Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka.

- Dib u Dejinta Barakacayaasha.

- Dib u Heshiisiin Dhameystiran.

- Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda

Go’aanka iyo ansixinta qorsha hawleedka kor ku xusan waxay ku xiran tahay Golaha Barlamaanka inuu ansixiyo si uu si sharci ah uu ugu dhaqan galo.




Ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment