Dawladda KMG ah Oo Hay’addo Caalami ah Ka Joojisay Soomaaliya [Warsaxaafadeed]

Sunday April 03, 2011 - 02:05:45
0 Comments
1020
Super Admin
Dawladda Fedraalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka mamnuucday in ay soo galaan gudaha Soomaaliya Hay’adaha OHCHR & UNPOS oo labaduba hoostaga Qaramada Midoobey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysalwasaaraha Dawladda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in u jeedada looga joojiyey Hay’adahaasi in gudaha dalka ay ka shaqeeyaan ayaa lagu sheegay in guddiga caalamiga ah ee xuquuqul aadanaha uusan fulin balanqaadyadii ku aadanaa xoojinta iyo dib-udhiska hay’adaha dhowra xuquuqul aadanaha iyo kuwa sharciga qaabilsan sida:

1.Maxakamadaha.
2.Sharci dejiyaasha.
3.Nabadsugida.
4.Waxbarshada.
5.Wacyigelinta dadweynaha.
Mas’uuliyiinta laga mamnuucay in ay soo galaan gudaha Soomaaliya kana shaqeeyaan oo madax u ah labada Hay’adood ee hoostaga Qaramada Midoobey ayaa kala ah:

1.Scott Cambel oo ah madaxa afrikada Bari iyo Koonfurta ee xafiiska sarre xuquuqul aadanaha ee Qaramada Midoobey[Office High Commissioner for Human Rigthts-OHCHR]
2.Mrs. Sandara Beidas oo iyaduna ah wakiilka Qaramada Midoobey ee xuquuqul aadanaha isla markaana ah madaxa qaybta xuquuqul aadanaha ee xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya[UNPOS].
Warsaxaafadeed

Muqdisho, April, 02.2011––Anigoo ah wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Sahra Maxamed Cali Samatar isla markaana ah u qaybsanaha xukuumadda Soomaaliya arrimaha xuquuqda aadanaha, waxaan halkaan ku xusayaa in ay lagama maarmaan tahay in wadankeena uu yeesho awoodii uu ku ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha si aan u dhowrno dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dadka nagu caawinayaa sidii aan guul uga gaari laheyn arrimaaha dhowrista xaquuqda aadanaha, hase ahaatee waxaa jiraa shaqsiyaad doonaya in ay is hortaagaan sidii aan oga guul gaari laheyn dadaalkeena ku wajahan dhowrista xaquuqda aadanaha.

Caqbadaha na hortaagan waxaa ka mid ah in guddiga caalamiga ee xuquuqda aadanaha in uu san fulinin balan qaadyadii ku aadanaa xoojinta iyo dib-udhiska hay’adaha dhowra xaquuqda aadanaha iyo kuwa sharciga qaabilsan sida maxkamadaha, sharci dijiyaaasha, Nabadsugida, waxbarashada iyo wacyigalinta dadwaynaynaha.

Sidaasi owgeed, waxaan halkan ku taageerayaa go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda “Persona Non Grata”, kaasoo ay kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin Mr. Scott Cambell oo ah madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights —OHCHR-) iyo Mrs. Sandara Beidas oo iyadana ah wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda Q/midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) laguna wargaliyay dhamaan hay’adaha ku shaqada leh socdaalka “Persona non Grata” sidaa darteed ayaa wasaaradda arimaha dibadda ay “Note Verabal” ugu dirtay hay’adaha Q/midoobay oo ay ka wakiil tahay UNPOS.

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa xafiiska sarre ee xaquuqda aadanaha ee Q/midoobay in ay ka fiirsadaaan shaqsiyaadka ay usoo wakiilanayaan arimaha dhowrista xaquuqul aadanaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha
media@opm.gov.so
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Related Items


Leave a comment