M/weyne Shariif oo maanta xarigga ka jaray TV-ga Qaranka

Tuesday April 05, 2011 - 09:13:23
0 Comments
2218
Super Admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif. Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jiray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kadib.
Munasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya waxaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ku soo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo IsgaarsiintaMudane Cabdikariim Xassan Jaamac oo ku guuleystay inn uu hawada dib ugu soo celiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xafladaan Ra’iisul Wasaaraha Ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faara x.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeeyay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dhamaan shaqaalaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweynaha JS ayaa barta ay xafladu ka dhaceeysay ugu hambalyeeyay Radio Muqdishu.

Waxaana uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada, si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaliyeed.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so


Related Items


Leave a comment