M/weyne Shariif oo Uganda u safray iyo r/wasaare Farmaajo oo dib dalka ugu soo laabtay

Saturday April 09, 2011 - 01:35:12
0 Comments
1205
Super Admin
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta barqadii ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Airp

Wafdiga madaxweynaha ayaa kusii jeeda caasimadda dalka Uganda ee Kampala, sida laga xaqiijiyay xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Shariif ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Uganda, iyagoona ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo khuseeya xaaladda Soomaaliya.

Dhanka kale wafdi uu hogaaminayo ra`iisal wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib safar gaaban oo ay ku gaareen magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya.

Farmaajo ayaa Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya Raila Odinka kasoo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo amniga khuseeya.
Wixii war oo ka soo kordha kala xiirir isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment