Shirkii QM oo Kenya ka furmay iyo Faroole oo eedeeyay DKMG

Tuesday April 12, 2011 - 16:22:19
0 Comments
1334
Super Admin
Shirkii QM oo Kenya ka furmay iyo Faroole oo eedeeyay DKMG

Nairobi:Shirkii wadatashiga ahaa ee ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo eedeeyay Xukuumada KMG.

Shirkaani ayaa daaha laga rogey abaaro Sagaalkii subaxno ee saakay waxaana ugu horeyn shirka furay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga kaasi oo furitaanka shirka kadib qudbado ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee shirka ka qeyb galay.

Ambassador Mahiga ayaa sheegay in shirku uu yahay mid wadatashi ah looga arinsanayo waxa laga yeelayo aayaha dambe ee Soomaaliya maadaama waqtiga dowladda KMG Soomaaliya uu dhawaan dhacayo.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Faroole ayaa ugu horeyn u hadlay Maamuladii ka qeyb galay shirka waxaana uu aad uga hadlay dhisidii maamul goboleedka Puntland, iyo ka hadalka waxyaabihii uu qabtay maamulkaasi, isagoo intaasi ku daray in dowladda KMG aysan qaban waxyaabihii looga fadhiyay.

Sidoo kale madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxa uu soo bandhigay haabka ugu fudud ee looga hortagi karo Tahriibayaasha Afrikaanta ah ee ka tahriiba xeebaha deegaanada Puntland taasi oo uu sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxweyne Faroole ayaa caqabad hortaana nabadeynta Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay talaabada dowladda KMG Soomaaliya ay ku diiday in ay uga qeyb gasho shirka wadatashiga ah ee ka socda Kenya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiintii kale ee ka qeyb gashay waxaana ka mid ahaa madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo isna halkaasi ku soo bandhigay qorshaha Maamulka Galmudug ee ku aadan raadinta nabada Soomaaliya.

wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment