Kulankii Nairobi iyo qodobadii looga hadlay

Wednesday April 13, 2011 - 00:17:34
0 Comments
1053
Super Admin
Waxaa maanta ka furmay meel duleedka magaalada Nairobi ah shirkii Wadatashiga dhinacyada Soomaalida ee soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaa waxaa maanta ka qeyb galay wafuud ka kala socotay Puntland, Baarlamaanka DFKMG, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shirkan ayaa waxay xubnaha ku sugnaa ee ka socda dhinacyada Soomaaliya ay gaarayeen 26 xubnood oo ka kala socday Puntland (6 xubnood), Galmudug (6 xubnood), Baarlamaanka DFKMG (10 xubnood) iyo Ahlu Sunna Waljamaaca (4 xubnood).

Kulankan ayaa bilwoday subaxnimadii ayadoo ay madasha yimaadeen xubnaha lagu casumay, shirkan wadatashiga ah qodobada maanta looga hadlayey ayaaahaa in dhinac walba uu soo jeediyo warbixin ku aadan meesha ay ka yimaadeen iyo maamulada ay matalaan iyo xaalada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sida Qaramada Midoobay qorsheysay maalinta kowaad ee shirka ayaa ku koobnaa xog is dhaafsi, ayadoo lagu wado in maalinta beri ah loo gudbo ka doodida aragtiyada kala duwan ay dhinacyadan qabaan in xal ay u tahay in loo gudbo marka la gaaro xiliga uu wakhtiga ka dhamaanayo DFKMG oo wakhtigeed ku egyahay bisha Agoosto ee 2011.

Dowlada Puntland ayaa warbixin dheer halkaasi kasoo jeedisay, ayadoo wafdiga Puntland uu hogaaminayey Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, wafdiga Puntland ayaa ka hadlay marxaladihii uu maamulkaasi soomaray iyo marxalada uu hada ku jiro.

Sidoo kale waxaa warbixino laga dhageystay Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, wallow bilowgii shirka uu murran ka dhashay xubnaha shirka uga qeyb galaya Ahlu Sunna Waljamaaca oo shirkaasi ku yimid Afar kooxood oo ka kala socday Galgaduud, Gedo, Muqdisho iyo Dibada, arrintaasi oo keentay in shirka loo ogolaado afar xubnood oo kaliya inay matalaan Ahlu Sunna Wajlamaaca kuwaasi oo laga soo xulay Afartaas kooxood ee ka kala yimid deegaanada kala gedisan, isla markaana ay muuqatay in dhanka siyaasada aysan si dhameystiran uga mideysneyn.

Wafdiga ka socda Baarlamaanka DFKMG ayaa ah kan ugu badan ee shirka ka qeyb galaya isla markaana ay matalayaan 10 xubnood oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan.

Warbixinta Baarlamaanka xubnaha kasoo jeediyeen ayaa looga hadlay waxqabadka DFKMG ayadoo xubnahan ay qaateen qeybtii ay lahaayeen Xukuumada DFKMG iyo Madaxweynaha DFKMG kuwaasi oo ayagu diiday inay shirka kasoo qeyb galaan.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa inay xubnaha Baarlamaanka DFKMG soo bandhigaan arragtidooda ku aadan xal u helida xilka dhamaanaya ee ku eg Agoosto, ayadoo la filayo in arrintaasna ay kala doodi doonaan wafuuda kale ee shirka ku sugan.

Qaramada Midoobay oo shirkan goob joog ka ah ayaa sheegtay in shirkan uu noqdon doono bilow wadahadalo lasii wado oo ay dhinacyada Soomaaliya yeeshaan si xal looga gaaro khilaafka ku dhexjira DFKMG isla markaana looga hortago khilaaf horleh oo baaxadleh oo ka dhasha guddaha Soomaaliya marka uu dhamaado wakhtiga loogu talo galay DFKMG oo muddo bilo ah ka hartay.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ayagu u muuqda kuwo is garabsanaya isla markaana ayagoo wada socda yimid shirka, waxaana la filayaa in maalinta beri ah uu fikirkooda noqdo kuwo isku dhaw ayadoo maamuladaasi horey u saxiixdeen heshiis wadashaqeyn ah dhanka Siyaasada iyo Amniga.

Puntland ayaa ayadu aad u diidan in wakhti kordhis loogu daro dowlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, waxay sidoo kale Puntland dooneysaa in hab qeybsiga nidaamka Federaalka uu ka baxo nidaamka 4.5 oo u gudbo nidaam awood qeybsi maamulo isu yimid.

Kooxda Ahlu Sunna oo ayadu deegaano kala gedisan ka timid ayaan la aqoon fikirka ay soo kordhin doonaan ayadoo maalintii ugu horeysay ay muuqatay khilaaf dhanka siyaasada ah inuu ku dhexjiro kooxdaasi xubnaha ka kala yimid gobalada kala gedisan.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan sababaha uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed iyo Raysalwasaaraha DFKMG Cabdullahi Farmaajo u diideen inay kasoo qeyb galaan shirka.

Sida uu sheegay Ambassador Augustine Mahiga Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya, Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa horey cudurdaar uga dhigtay inaysan shirka imaan doonin, balse markii danbe qiray inaysan ku qanacsaneyn habka shirka loo soo diyaariyey.

Ambassador Mahiiga oo markii ugu horeysay ka dhawaajiyey sababaha ay DFKMG xubnahaasi muhiimka ah u diideen in shirka ay kasoo qeyb galaan ay saldhig u ahayd oo doonayeen in loo fuliyo;

1-In shirka aan lagu casumin Maamulada ka jira Soomaaliya, qodobkan ayey Qaramada Midoobay ka diiday Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG, ayadoo UNta sheegtay in loo baahan yahay dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay wadahadlaan oo fikirka is dhaafsadaan.

2-In shirka waxa kasoo baxaya aysan u cadeyn DFKMG, ayadoo madaxda sare ee Dowlada Federaalka walaac ka muujiyeen waxa kasoo bixi kara shirkaasi.

Mahiga ayaa sheegay in Dowlada ay codsatay markii hore in shirka aan lagu casumin dhinacyada kale ee ka baxsan DFKMG, isla markaana shirka ay ka qeyb galaan dhinacyada ishayey ee Madaxweynaha, Xukuumada iyo Baarlamaanka DFKMG.

Sidoo kale dhanka shirka ka maqan ee Madaxweynaha iyo Xukuumada DFKMG ayaa sheegay in shirkan aysan aqoon waxa kasoo bixi kara, ayagoo walaac ka muujiyey in xilka looga xayuubiyo hadii ay shirka yimaadaan sida uu sheegay Ambassador Augustine Mahiiga oo yiri;

“…Qaarkood waxay yiraaheen hada kahor baa 2002dii Madaxweyne kumeel gaar ah uu ka qeyb galay shir ka dhacay Kenya, middii mid lamid ah baanu diidanahay….” Bay ku yiraaheen xubnaha DFKMG ee shirka maqan sida uu sheegay Mr.Mahiga.

Hadaba waxaa la sugayaa shirka oo maalinta beri ah dib la isugu soo noqon doono, qodobada ay dhinacyada is hayana soo bandhigi doonaan ayaa astaan u noqon doonta wax la filan karo inay yimaadaan marka la gaaro bisha Agoosto.

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala xariir Isha wararka

www.burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment