Shirkii Kenya oo soo gaba gaboobay iyo qodobo la’isku raacay

Thursday April 14, 2011 - 03:26:53
0 Comments
1311
Super Admin
Shirkii Kenya oo soo gaba gaboobay iyo qodobo la’isku raacay

Nairobi: Shirkii wada tashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa lasoo gaba gabeeyay, iyadoo dhamaan dhinacyadii ka qeyb galay shirkaasi ay isku afgarteen inay qaataan qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

Kadib shir labo maalin ugu socday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya dhamaan dhinacyada ku lugta leh siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa waxaa guud ahaamba lasoo gaba gabeeyay shirkaasi oo ay Qaramada Midoobay ugu magacdartay shirka wada tashiga Soomaaliya.

Markii uu shirka soo gaba gaboobay kadib ayaa ugu horey halkaasi waxaa ka hadlay Ergay gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliyha Ambassador Augustine Mahiga kaasi oo sheegay in dhinacyadii Soomaalida ee kulanka ku yeeshay Magaalada Nairobi ay isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ka mid aheyd in bisha Augusta ee soo socota la qabto doorasha Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

In barlamanka Soomaaliya loo kordhiyo muddo labo sano ah maadaama sida uu sheegay Mahiga aysan xiligaan suurto gal noqon karin si wada jir ah in loo doorto barlaman iyo Hay’adaha kale ee dowladda KMG.

In Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo qeyb ka ahaa shirkaasi ay yeeshaan hogaan midaysan maadaama sida uu horey u sheegay Mahiga ay leeyihiin dhowr hogaamiye oo ku kala sugan gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Sidoo kale markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole, isagoo sheegay in Puntland ay ku qanacsantahay qodobada kasoo baxay shirka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirkaani uu wax badan ay ka faa’iideen dhamaan dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka qeyb galay shirkaasi wada tashiga ahaa.

Dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa isna warbaahinta la hadlay Sheekh Cumar oo ka mid ahaa xubnihii Ahlu Sunna Waljamaaca ee matalayay kulankaasi, waxaana uu shegay in kulankaasi uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan Ahlu Sunnana ay diyaar u tahay inay qaadato talooyinka loo soo jeediyay oo ahaa inay hal hogaan yeeshaan.

Inkastoo kulankii wada tashiga ahaa ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay qodobada kasoo baxay ay ka mid aheyd in Dorashada Madaxtinada dalka Soomaaliya la qabto bisha Augusta ee fooda nagu soo hayso iyo sidoo kale in barlamanka hadda jira loo kordhiyo muddo labo sano ah ayaan la’ogayn waxa ay ka dhihi doonaan Madaxda sar ee dowladda Federalka oo horeyba ugu biya diiday ka qeyb galka Shirkaasi.

Xasan yare Nairobi Kenya

Related Items


Leave a comment