Madaxweyne Shariif iyo Meles Zanawi oo ku kulmay Addis Ababa

Friday April 15, 2011 - 00:17:38
0 Comments
1087
Super Admin
Madaxweyne Shariif iyo Meles Zanawi oo ku kulmay Addis Ababa
Addis Ababa: Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta tagay dalka Ethiopia ayaa galabta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ayaa galabta waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayay xiriirka labada dal, amaanka iyo bini’aadanimada, waxaana madaxweyne Sheekh Shariif uu Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ka codsaday in Ethiopia ay dowladda KMG ka taageerto wax ka qabashada amaanka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi ayaa la sheegay in uu aqbalay codsiga madaxweynaha, isagoo u balan qaaday in uu ka gacan siinayo wax ka qabashada amni darida ka jirta Soomaaliya iyo la dagaalanka xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa ayBurtinletimes u sheegeen in kulanka galabta uu ku soo gaba gaboobay qaab isfaham ah, iyadoo saacadaha soo aadana la filayo in madaxweyne Shariif uu ka sii tago dalkaasi oo uu u ambabaxo wadamo kale oo Afrikaan.

Wafdiga madaxweynaha waxa ka mid ah wasiiro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ay ugu cad cadyihiin Wasiirka gaashaandhiga iyo kan maaliyada ee Xukuumada KMG Soomaaliya.

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala xariir Isha wararka

WWW.Burtinletimes.com

Ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment