Gudiyada Baarlamaanka oo maantay shiray iyo Saxafada oo banaanka ku waraysanaysa

Tuesday April 19, 2011 - 19:26:58
0 Comments
1086
Super Admin
Xubnaha Gudiyada Baarlamaanka oo Sheegay in kulan ay ka yeeheen Sidii ay doorasho u qaban qaabinlahaayeen inta uusan dhamaanin waqtiga Dowladda
Muqdisho: Waxaa maanta Xarunta VillaBaydhabo ee Madaxtooyada Soomaaliya Magaalada Muqdishoka dhacay kulan ay isgu imaadeen Xubnaha Gudiyada Baarlamaanka inta uu ka koobanyahay, iyadoo kulankana uu Shir gudoominayay gudoomiyaha baarlabaanka KMG ah.

kulankaani oo ahaa mid ay saxaafada ka ahaayeen Dibad joog ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa uga warbixiyay Gudoomiyaha gudiga warfaafinta Baarlamaanka KMG ah Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo saxafada u sheegay in ay kulankooda maanta uu ku soo dhamaaday guul Go’aanana ay ka oo baxeen.

Dhanka kale waxaa saxaafada uga warbixiyay Go;aamada ka soo Baxay Xildhibaan Cumar Islow oo sheegay in ay Baarlamaanka isku raaceen in aytahay mudada ay 3 sanno ah oo ay Baarlamaanka gu darsadeen.

Ugu Danbeentii Xildhibaan Cumar Isloow ayaa sheegay in kulankana looga hadlay sidii loo qaban qaabinlahaa looguna diyaar garoobi lahaa doorasho in ay dhacdo inta aysan dhamaanin waqtiga u harsan dowladda.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha warar

www.burtinletimes.com

Ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment