Madaxweyne shariif oo Maanta la shirey Xildhibaanada kuna dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne

Thursday April 21, 2011 - 07:00:41
0 Comments
980
Super Admin
Madaxweyne shariif oo Maanta la shirey Xildhibaanada kuna dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa maanta madaxtooyada kula shirey ku dhawaad 200 Xildhibaan iyo qaaer wasiirada ka mid ah .Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaasi ayaa ku celceliyay sida ay muhiimka u tahay wada jirka iyo khilaaf la’aanta madaxda Dowlada iyo xildhibaanada.

Inkastoo uusan soo hadal qaadin khilaafkii kala dhexeeyay Gudoomiyaha Baarlamaabnka ayuu hadana ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya kaasoo la filayo in doorashadiisu uu ka dhaco gudaha magaalada Muqdisho marka uu dhamaado waqtiga Dowlada bisha agoosto.

“hadaan la helin wadajirka hay’adaha dowlada waxay khatar ku tahay jiritaanka dowladnimada”ayuu yiri madaxweyne shariif oo maanta aan adeegsan erayadii khilaafka uu ka muuqan jirey.

fadhiga maanta ay isugu yimaadeen baarlamaanka qaarkiis iyo madaxweynaha oo aad uga duwanaa kuwii hore ayaa u ekaa mid khilaafaadkii muuqan jirey uu meesha ka baxay iyadoo la arkayay xildhibaanada oo sacbinaya madaxweynaha marka uu waxoogaa hadlaba.

Madaxweynaha marna ma kala cadeyn inuu dhamaaday madmadowgii kala dhexeeyay gudoomiyaha Baarlamanka iyo in cadaadis diada ah uu aqbalay,

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment