Mr.Jerry John Rawlings ;Ergayga Midowga Afrika ee Soomaliya oo baaq u diray DFKMG

Thursday April 21, 2011 - 23:36:27
0 Comments
1253
Super Admin
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr.Jerry John Rawlings oo horey u ahaan jiray Madaxweynaha dalka Ghana ayaa ugu baaqay DFKMG inay ka shaqeyso sidii si nabad iyo nidaam ah looga gudbi lahaa xiliga kalaguurka.

Mr.Jerry John Rawlings ayaa sheegay in kulankii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee wadatashiga ahaa, ay dhinacyada Soomaaliya kusoo qaadeen in ay muhiim tahay in xiligan si wanaagsan oo degen loo helo isbedal kadib marka Dowlada Federaalka Kumeelgaarka uu xilkeeda u dhamaadoo bisha Agoosto 2011.

Wuxuu sheegay Ergayga gaarka ah in ay laga maar maan ay tahay kaalinta DFKMG ay ku leedahay sidii loo heli lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo dhameystiran, isla markaana talooyinka ku aadan in si wadajir ah looga qeyb qaato dhismo maamul hagaagsan kadib bisha Agoosto.

Mr.Rawlings ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hada wadaan dadaalo loogu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed oo xiligan ku jira xaalad adag oo bini’aadamnimo.

Ergayga ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hada ka bilaabi doonaan qodista ceelal biyo oo laga qado qeybo kala gedisan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Ergayga Midowga Afrika in loo baahan yahay in la sameeyo Sanduukh Caalami ah oo loogu talo galay in loogu gargaaro shacabka Soomaaliyeed, asagoo intaasi raaciyey in xaalada abaar ee hada ka jirta dalka Soomaaliya ay tahay mid aad u adag.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment