Shariif oo Maanta Jabuuti kula Kulmay Dhigiisa Wadanka Jabuuti

Tuesday April 26, 2011 - 19:42:48
0 Comments
941
Super Admin
Shariif oo Maanta Jabuuti kula Kulmay Dhigiisa Wadanka Jabuuti
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal haatan ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan maanta xarunta madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha oo shalay gaaray wadanka Jabuuti ayaa waxaa kulankiisan ka horeeyey kulamo illaa xalay uu la yeelanayey dad isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato Soomaali ah iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada Jabuuti.

Warar ku dhow kulanka maanta dhexmarey labada madaxweyne ayaa sheegaya in la isla soo qaaday xaalada dalka gaar ahaan khilaafka adag ee waqtigan ka dhex taagan madaxweyne Shariif iyo afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadam oo isku mari la’ waqti kordhinta dawlada iyo barlamaanka.

Madaxweyne Geelle wuxuu aad u taageersan yahay go’aanka xukuumada KMG iyo madaxweyne Shariif ee ku aadan waqti kordhinta ay codsadeen golaha wasiirada iyadoo dawlada Jabuuti lagu tirinayo taageeraha ugu weyn ee uu heysto madaxweyne Shariif xilligan marka loo eego wadamada kale ee gobolka.

Dhanka kale waxaa madaxweyne Shariif uu ka qeybgalayaa caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti oo mar saddexaad ku guuleystey doorashadii saddexaad ee bishan 8-dii ka dhacday dalka Jabuuti taasoo madax kala duwan lagu martiqaaday inay xaflada ka soo qeybgalaa.

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment