Iska horimaad qasaaro gaystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Thursday April 28, 2011 - 00:54:46
1 Comments
1546
Super Admin
Iska horimaad qasaaro gaystay oo ka dhacay Gaalkacyo
Iska horimaad gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay Maagalada Gaalkacyo, iyadoo caawa Magaaladaasi lagu soo rogay bandow.

Iska horimaadkaani oo ahaa mid u dhaxeeyo labo beelood oo wada daga Magaalada Gaalkacyo ayaa galabta ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo, waxaana iska horimaadkaani uu yimid kadib markii saakay rag hubaysan gudaha Magaaladaasi ay ku dileen wadaad magaciisa lagu soo gaabiyay Sheekh Ibraahim oo ka mid ah wadaadada sida wayn looga yaqaano Woqooyiga Gaalkacyo.

Iska horimaadka oo ahaa mid muddo socday ayaa waxaa uu hakad galiyay dhaq dhaqaaqii ka jira Suuqa bartamaha, waxaana la tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka ay dhinac ka galeen Rasaasta kuwaasi isku dayay inay kala dhexgalaan labada dhinac inkastoo markii dambe ay barbar istaageen sida la sheegay mid ka mid ah kooxihii halkaasi ku dagaalamay.

Inta la’ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday halka ay ku dhaawcmeen 6-kale kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo rasaastu ay guryahooda ugu tagtay waxaana gabi ahaan caawa Magaaladaasi saaran bandow sida ayBT u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

24-tii saac ee lasoo dhaafay ayaa Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa si gooni gooni ah loogu dilay Culumo, Ganacsato iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan hase ahaatee shacabka reer Gaalkacyo ayaa waxaa ay hadal hayaan dhibaatooyinka kusoo batay Gaalkacyo.


ABDIRISHIID SHIIKH

Related Items

Comments


Leave a comment