Xildhibaan Mowliid Macaane oo ku eedeeyay Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha in ay sharciga Hareermarayaan

Saturday April 30, 2011 - 09:27:43
0 Comments
2171
Super Admin
Xildhibaan Mowliid Macaane oo ku eedeeyay Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha in ay sharciga Hareermarayaan
Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaare Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo in ay hareer marayaan sharciga.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro waxa uuna sheegay in aan loo baahnayn in awood la adeegsado.

Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in xukuumada KMG Soomaaliya ay soo saarayso go’aano isdaba jog ah isla markaana ay tahay in arintaasi laga joogsado.

Waxa uu carabka ku adkeeyay xildhibaan Moliid in waqtigaan ay haboontahay in la helo dad masuuliyiin ah oo kala dhexgala madaxda dowlada gaar ahaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxwayne sheikh Shariif.

Hadalka Xildhibaankaan ayaa waxa uu imaanayaa xili haatan khilaafkii ugu balaarnaa uu u dhaxeeyo Madaxda dowlada FKMG Soomaaliya isla Markaana ay kala qaybsanyihiin xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment