MADAXWAYNAHA SOMALIA IYO WAFDI UU HOGAAMINAAYO OO SOO GARAY SUDAN

Thursday May 05, 2011 - 01:27:33
0 Comments
1115
Super Admin
Madaxweyne Shariif sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka soo caga dhigtay Garoonka duulimaadka Ee Khartoum

Waxaa garoonka duulimaadka ee Sudan-Khartoum kasoo caga dhigtay madaxweyne Sheikh shariif sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo, madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray sudan saacadu marka ay ahayd 8:00 maqribnimo (fiidnimo) waxaana garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha wadanka sudan Mudane Omar Xassan Axmed Albashiir iyo waliba masuuliyiin ka tirsan dowladiisa sudan

Madaxweynaha ayaa la filaaya in uu maalinta Khamiista ee bari ah fadhi la qaadan doono madaxweynaha dhigiisa ah Omar xassan axmed Albashiir iyaga oo la sheegay in ay kawada hadli doonaan mar xalada kala guurka ah oo ay dhex maquureyso dowladda Madaxweyne Shariif iyo waliba qaabka Doorashada

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka qeyb gali doono shir ay isugu imaanaayan madax iyo masuuliyiin ka kala socta dowladaha Africa...

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha warar

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment