Eng: Baana Abdulle A Oo La Taliye Loogu Magacaabay Dhanka Sportiga

Friday May 06, 2011 - 03:52:17
0 Comments
985
Super Admin
Wasaarada Shaqada Arrimaha Bulshada Dhalinyarada iyo Sportiga, Dowlada KMG ee Soomaaliya Ayaa Magacaawday La taliyaha Wasiirka ee xiriirka caalamiga dhinaca dhalinyarada iyo isboortiga, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed Eng. Baana Cabdalla Cali.

Digreetada Magacaabista oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Dhalinyarada iyo SportigaDowlada KMG ee Soomaaliya Mudane Cabdi-Nuur Macalin Maxamuud Ayaa lagu xusay ka dib markii wasaarada ay aragtay baahida loo qabo wanaajinta xiriirka Dhanka Dibada ee dhalinyarada iyo Sportiga in xilkaasi loo magacaabay Eng. Baana Cabdalla Cali.

Eng. Baana Cabdalla Cali oo Haatan ah Gudoomiyaha suuqgeynta xiriirka caalimaga kubadda koleyga ee bariga qaarada Afrika, ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaana (FIBA Africa — Zone 5) ayaa magacaabista xilkaan u muuqata in wax weyn kusoo kardhin karto hor umarinta isbooortiga soomaaliyeed dhinacyadiisa kala duwan.

Mas,uulkaan la magacaabay intii uu ahaa xoghayaha XSKK ayaa lagu xasuustaa dadaalkii dheeraa oo uu u galay sidii loo hor marinlahaa isboortiga soomaaliyeed, gar ahaan kubada koleyga hadii ay noqon laheyd ka qeygalida tartamada iyo shirarka caalamiga kaasoo sharaf weyn u aheyd in calanka soomaaliya meel kasto ka muuqdo isla markaana sharftisa dib loo soo celiyo.

“Hadii aan nahey aqoon yahanada ku sugan qurbaha waxaa waajib nagu ah in aan wadankeena ku taageerno sidii uu ugu baxi lahaa dhibaatada maanta uu ku sugan yahey hadii ay noqoto arrin bulshada quseyso ama hadii ey tahey arrin sport, waxaana filayaa in aan waxaan awoodey hore ugu soo qabtey oo hadana aan diyaar u ahey in aan taas iyo mid ka badan u sameyn doono oo markaa aan ugu faaideyneyso fursadan qaaliga ah. waxaana aad iyo aad uga mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha wasaarada, gaar ahaan wasiirka Mudane Abdinur” ayuu yiri Eng Baana, oo si weyn u soo dhaweeyay xilkaasi.

Ma aha markii ugu horeesay oo xil heer caalami dhanka Sportiga ah loo magacaabo Eng. Baana Cabdalla Cali iyadoona dhawaan Shirweynihii Wadamada Jaamacada Carabta ee Qahira uu ku guuleestay in loo Magacaabay Xubin ka tirsan Guddiga Kubada Koleyga Jaamacada Carabta taasoo noqotay shaqsigii ugu horeeyay ee soomaali ah oo xubin ka noqda Guddigaasi.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment