Wafti uu hogaaminayo Raisal Wasaraha Somalia oo u amba-baxay Dalka Maraykanka

Saturday May 07, 2011 - 23:17:45
0 Comments
1016
Super Admin
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho;

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo lagu wado inuu dhaco 10ka iyo 11ka May 2011.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu wadaa inuu Qaramada Midoobey siiyo warbixin la xiriirta xaaladda dalka uu marayo, horumarka dowladda ay ka sameysey dhinacyo badan sida amniga, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadanimo, adeega bulshada, iyo maamul wanaaga. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu Qaramada Midoobey uu ka dhaadhiciyo go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in doorashooyinka Madaxda Qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, si loo dhameystiro howlgalada amniga bilowday oo aysan dhicin inay hakad galaan oo ay kooxaha nabad diidka ah ka faa’iideystaan.

Waa markii seddexaad ee uu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ka qeybgalo kulamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tan iyo bishii Janaayo 2011, tan oo muujineysa sida Qaramada Midoobey ay mudnaanta u siinayaan arrimaha Somaliya.

Sidoo kale waxaa maanta ka ambabaxey magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ahProf; Abdiweli Mohamed Ali oo u kicitimay inay ka qeybgalaan shir lagu wado inuu ka dhaco Dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan shirka lagu casuumay waddamada aan horumarka sameynin ama kobocooda dhaqaale yar yahay si looga saacido waxii mashaariic ah ee lagu kobcinayo dhaqaalahooda.

wixii war ah oo danbe kala xariir isha wararka

www.burtinletimes.com

Abdinasir abdullahi Gamuute

Mogdisho

Related Items


Leave a comment