Shir u socday Odayaasha dhaqanka gobalka Mudug oo meel fiican maraya

Sunday May 08, 2011 - 14:37:08
0 Comments
2182
Super Admin
Kulan nabadeed maalmihii la soo dhaafey laba beelood oo walaala ah ku dhexmarayey gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa haatan maraya meel wanaagsan.

Odayaal iyo Waxgarad ka kala socda beelo wada degan Gaalkacyo oo ay horey u dhexmartey shaqaaqo ayaa qaatey todobaadkii la soo dhaafey kulamo nabadeed oo ay uga wada xaajoonayaan sidii lagu xalin lahaa dhibaatooyinkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee dhexmaray labada beelood.

Wada hadalada oo maalinba meel soo marayey ayaa haatan maraya heerkii ugu wanaagsanaa waxaana Waxgaradka labada dhinac ay isla garteen in laga heshiiyo wixii dhib ahaa ee kala gaarey beelaha walaalaha ah.

Kulamada nabadeed ee labada dhinac ayaa waxaa soo abaabushay dowladda Puntland oo ay wakiil uga yihiin Mas’uuliyiinta cusub ee maamulka Gobolka Mudug, waxaana shirka oo maanta galaya wejigiisii afraad laga filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo khuseeya khasaarihii kala gaarey labada dhinac.

Waxgaradka iyo Odayaasha labada beelood ayaa ka wada hadley dadkii ku dhintey shaqaaqooyinkii dhexmaray labada dhinac, waxaana sidoo kale jiray tuhuno qabaa’iladu ay kala qabeen oo ah dad lagu laayey gudaha magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in shaqaaqadii dhamaadkii bishii April xaafada Garsoor ku dhexmartey maleeshiyaadka labada dhinac wixii khasaare ah ee kala gaarey beelaha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Puntland, isla markaana waxaa beelaha lagu wadaa in ay ka heshiiyaan wixii kale oo ay kala tabanayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka nabadeed ee beelaha Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in maanta uu galayo weji ka duwan kuwii hore oo ah in Waxgaradka Beeluhu is dhaarsadaan oo ay iska dhaarsadaan wixii tuhuno ah oo ay kala qabaan isla markaana loo gudbo marxalada ugu dambeysa ee Beeluhu gacmaha isku qabsadaan oo ay ku heshiiyaan.

wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment