Xafladdi xuska Sannadguuradii 68 S.Y.L. iyo qorituurka Somali week 2011–

Saturday May 21, 2011 - 17:33:46
0 Comments
1043
Super Admin
Xafladdi xuska Sannadguuradii 68 S.Y.L. iyo qorituurka Somali week 2011–
Waxaa Galbeedka magaalada London xaafada Wembley lagu qabtey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanadguuradii 68 ee ururkii SYL iyo Qorituurka koobka Somaliweek London.
Xafladaasi waxaa ka soo qayb galey Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo dhalinyarada mudane Cali Afgooye, odayaasha magaalada, Haweenka, Dhalinyarada, fanaan iyo bahda isboortiga Soomaaliyeed ee degan dalkaan ingiriiska, kuwaasoo si wanaagsan uga hadley taariikhdii SYL iyo halgankii loo soo marey xornimada dalkeena, islamarkaana umadda Soomaaliyeed ku booriyay inay kaalinta ay qaateen SYL ay maantana kaga daydaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Markii xuska SYL la dhameeyay ururka Somaliweek London ayaa halkaasi ku soo bandhigay qorituurkii kooxaha ka qayb galaya Tartanka Koobka Somaliweek London 2011 oo lagu wado inuu ka furmo 15 July 2011 hadii Allah idmo Koonfurta iyo Galbeedka magaalada London.

Gudoomiyaha Somaliweek Xuseen Deeq ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada loo qabteyxafladatan islamarkaana dadka Soomaaliyeed ee degan magaalada London ugu baaqay inay ka soo qayb galaan koobka Somaliweek London 2011, waxaa kale oo ka hadley dad fara badan oo isugu jirey ciyaartooydii hore ee Soomaaliya wiilal iyo gabdho, qorayaal, abwaano, aqoonyahano, haweeniyo dhalinyaro, kadibna waxaa soo xirey xaflada Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Cali Afgooye isagoo halkaasi ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xafladatan quruxda badan inuu caawa goob joog ka ahaado islamarkaana uu ka soo qayb gali doono koobka Somaliweek London 2011, Wasiirka ayaa ka soo qayb galayaashii xaflada u sheegay inay doonayaan howlo ay dib ugu soo celinayaan kooxihii hore ee magaca iyo taariikhda kulahaa isboortiga dalka Soomaaliya, islamarkaana ka dhawaajiyay in Dowlada iyo Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada ay wax ka qaban doonto qaabka loo maamulo isboortiga maanta, ma sii shaqayn doonto ayuu yiri in isboortiga Somaaliyeed uu noqdo mid aysan dowlada ka warhaynin hada kadib oo dad ay isaga shaqaystaan, hadalkaas oo ay si weyn ugu dhaweyeen ciyaartooydii hore iyo dadkii xaflada joogayba.

Run ahaantii dad badan oo qiireysan ayaa ka hadley meesha, kuwaasoo aragtiyadooda kale duwan ka sheegay munaasabadaan qiimaha badan ay soo agaasimeen Ururka Somaliweek London.

Waxaa xusid mudan in galabnimadii koobka dhalinyarada SYL lagu qabtey garoonka The Pavillion oo ku yaal xaafada Stone Bridge, koobkaas ay ka soo qayb galeen kooxo dhan 8, kuwaasoo qaarkood ka yimadeen Liecester, iyo Bermingham, halka 6 kooxood ee kalane ay ka yimadeen magaalada London qaybaheeda kale duwan, Wembley,White City,Wembley stars,White City stars iyo Southallkoobkaasna waxaa qaaday kooxda White City, halka Kooxda ugu awooda badan kooxaha Qurbajoogta ee Wembley ay ku hareen Semifinalka, koobkaan waxaa si lama filaan ah u qaadey kooxda White City.

Dhanka sawirada waxaa gacan iga siiyay Danjire Caalim.
W/Q:Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London


Related Items


Leave a comment