Qodobadii Ugu Cuslaa ee Labada Shariif ay Isku Mari Waayeen

Sunday May 22, 2011 - 01:01:49
0 Comments
1307
Super Admin
Qodobadii Ugu Cuslaa ee Labada Shariif ay Isku Mari Waayeen
Waxaa markii ugu horeysay BT soo gaarey faahfaahin ku saabsan kulamadii xasaasiga ahaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafey masuuliyiinta DKMG ee madaxweyne Sheekh Shariif iyo gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kulamadaasi waxay dheceen maalintii Talaadada iyo Maalintii Arbacada, waxaana ay ku saabsanaayeen khilaafka hareeyey labada Shariif dhexdooda. Waxaa jiray kulan saddexaad oo Jimcihii shalay [20-ka May 2011] ay wada yeesheen markale

Haddaba xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah xoghayayaasha barlamaanka ahna saaxiibka ugu dhow ee Shariif Xasan ayaa manta ku dhawaaqay in shirkii ay lahaayeen labada Shariif [Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka] uu ku dhamaaday fashil kadib markii la isku afgaran waayey waxyaabihii laga wada hadlayey.

Haddaba xog hoose ooB.T. ka heley xubno aad ugu dhow labada nin ayaan ku ogaanay qodobada xasaasiga ah ee la isku mari waayey, gaar ahaan shuruudo adag oo sida la sheegay afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan uu miiska soo saaray.

Shariif Xasan wuxuu dalabaday qodobadan:-

1- In la bedelo raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo uu uu ku eedeeyey inuusan barlamaanka ka gadmi Karin. Wuxuuna soo jeediyey oo uu ku celceliyey in jagada raysul wasaaraha loo magcaabo C/risaaq Cismaan Juriile oo ka tirsan barlamaanka KMG ahna nin ka soo jeeda Puntland.

- Shariif Xasan wuxuu sheegay in Juriile uu yahay nin taageero ka heysta madaxda Puntland uuna keeni karo isfaham dhex mara DKMG iyo Puntland isla markaana uu ku wanaagsan yahay xiriirka dawladaha deriska ah gaar ahaan kuwa IGAD ku jira (oo ah kuwii soo dhisay TFG).

2- Shariif Xasan waxaa kaloo hadalkiisa uu ku daray in xildhibaanada barlamaanka ay xasaasiyad ka qabaan xukuumada qurbe jooga u badan ee hadda dalka maamusha, wuxuuna sheegay in ragga dibad jooga ahaa labaatanka sano aysan waxba ka qaban Karin siyaasadda dalka. Bedelkoodana ay wanaagsan tahay in jagooyinka wasaarada loo dhiibo rag uu ka xusay Cali Maxamed Geedi, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Muuse Suudi Yalaxow iyo Qanyare (Kooxahan ayaa ahaa kuwii dhulka dhigay dawladii madaxweyne C/laahi Yuusuf).

3- Shariif Xasan wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasada xukuumada raysul wasaare Farmaajo oo uu sheegay in dawlada Ethiopia (oo saaxiib u ah DKMG) ay saluugsan tahay, ayna u aragto Farmaajo nin Ethiopian-ka inkiray oo u muuqda nin rabainuu Soomaalinimo dib boorka uga jafo.

4- Arinta kale ee Shariif Xasan uu miiska keenay ayaa ah in raysul wasaare Farmaajo (oo mudo dheer dibada deganaa) uu iska horkeenay DKMG iyo hay’adaha UN-ka gaar ahaan NGO-yada ku qaraabta magaca Soomaalida oo dabcan Shariif Xasan qaar badan saaxiibo la yahay lacagana ka soo galaan. Wuxuuna soo qaatay in raysul wasaaruhu u hanjabay hay’adaha samafalka iyo inuu buuq ka dhex abuuray dawlada iyo hay’adaha.

5- Shariif Xasan wuxuu ballanqaaday in haddii madaxweynuhu fuliyo shuruudahan, uu isaguna barlamaanka ka gadi doono siyaasada madaxweynaha iyo in mudo hal sano ah loogu kordhiyo madaxweyne Shariif (laakiin ay ku xiran tahay sida shuruuda loo fuliyo).

Madaxweyne Shariif

Markii madaxweyne Shariif shuruudahan uu keenay saaxiibkii hore (Shariif Xasan) wuxuu dib uga gurtay inuu aqbalo dalabkan. Waxaana nagu maqaal ah in madxweynuhu ugu dmbeyn Jimcihii shalay [20-ka May 2011] uu qabsaday inuu wada tashi dib ugula laabanayo asxaabtiisa si uu u soo helo talo ku haboon oo uu shuruudahan kaga jawaabo.

Qof ka mid ah ragga sida weyn ugu dhow madaxweynaha oo naga codsaday inaan la magacaabin ayaaB.T. u sheegay in madaxweyne Shariif uusan marnaba dooneyn in la bedelo xukuumada hadda jirta isagoo sabab uga dhigaya dhowr waxyaabood.

- Xukuumada raysul wasaare Farmaajo oo loo arko midii ugu tirada yareyd, ugu waxqabad ballaarneyd iyadoo weliba jirta waqti ka yar 7 bilood hadda. Iyo iyadoo marnaba aysan dhicin khilafyadii hore uga dhex dhici jirey raysul wasaarayaashii hore iyo madaxweynaha.

- Arimaha amaanka, dhaqaalaha iyo toosinta maamulka oo dhammaan Soomaalida iyo caalamkaba isku raaceen in xukuumadan ay hirgalisay mudadii ay jirtey, iyadoo ciidamada iyo shaqaalaha dawlada mudo 5 bilood ay si toos u heleen mushaharkooda.

- La taliyasha madaxweynaha waxay qireen in xukuumada 18-ka wasiir oo ka kooban koox dhaliyaro oo wada aqoonyahano ah ay ku guuleysteen soo celintii heykalka dawladnimo oo hadda qaab dhismeedkeedu (naqshada dawladnimo) taagan yahay, fursadna ay u tahay in xitaa mustaqbalka ay halkaaka sii ambaqaadaan xukuumadaha kale ee imaanaya (arintan waxaa ii sharaxay mid ka mid la taliyaasha madaxtooyada oo aan kula kulmay mid ka ah hotelada Muqdisho).

Waxaana madaxweynaha lagula taliyey inuusan ka debcin go’aankiisa uu ku difaacayo xukuumada raysul wasaare Farmaajo.

Arintan ayaa keentay in shirkii ay u fadhiyeen labada Shariif beryihii la soo dhaafay uu burbur ku dhamaado, sida uu manta shaaciyey Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah ragga sida ah ugu dhow Shariif Xasan

X.RBC

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment