Shirkii Kenya ee QM oo soo gaba gaboobay iyo qodo kasoo baxa

Wednesday May 25, 2011 - 22:44:11
0 Comments
951
Super Admin

Waxa lasoo gaba gabeeyay kulankii Qaramada Midoobay uu uga furnaa Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kaasi oo looga halayay arimo farabadna oo quseeya Soomaaliya, iyadoo shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah.

Kadib markii hore galinkii hore ee maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmay kulan ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo looga hadlayay xaaladda dalka Soomaailya ayaa waxaa caawa lagu soo gaba gabeeyay shirkaasi.

Kulanka oo qaatay muddo dhowr saacadood ah islamarkaana ay ka qeyb galeen Xubno sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Madaxda dowladda KMG, Maamulada Galmudug, Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ay kulafo gureen arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ku wajahnaa sidii xaal loogu heli lahaa xaaladda cakiran ee dalka Soomaaaliya, waxana sidaasi Saxaafadda u sheegay xubno uu ka mid ah Ergaygaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaailya Augustine Mahiga.

Ambassador Mahiga ayaa waxaa uu sheegay in talooyinka shirkaasi kasoo baxay ay ahaayeen in Madaxda dowladda KMG ay si deg deg ah ku xalayaan muranka dhexdooda ah sidoo kalana ay joojiyaan waqti korosiga ay samaystaan Hay’adaha dowladda KMG halka talooyinka kale ee shirka kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in ka hor bisha Augusta la qabto doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya islamarkaana Madaxda dowladda loogu baaqay inay u diyaar garoobaan.

Kulankaan oo talooyinkaasi kasoo baxay ayaa waxaa dhinaca dowladda KMG ugu qeyb galay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) iyadoo labada shariif ay kulan qilaafkooda ay kaga hadlayeen ay kuwada qaateen Magaaladaasi intii uu shirkaasi socday.

Ugu dambeyn shirkaasi ayaa waxaa lagu go’aamiyay in bisha June ee soo socota Magaalada Muqdisho lagu qabto shir wayn ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta Soomaalida kaasi oo sida la sheegay uu gar wadeen ka noqonayo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaailya Ambassador Augustine Mahiga.

Related Items


Leave a comment