Odoyaasha dhaqanka oo jawaab ka bixiyay eedeyn Madaxwayne shariif u jeediyay Banaanbaxayaasha.

Monday June 13, 2011 - 16:59:20
0 Comments
952
Super Admin
Nabdoon Axmed Diriye Cali oo ah afhayeenka odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in aysan ka danbeen bananbaxyada ka socda Magaalada Muqdisho dad u la jeeda siyaasaded leh.

Nabdonkaayaa ugu baaqayXildhibaanada Soomaaliyeed in ay ka tarjumaan shucuubta dadka soomaalida Waxa kalo oo uu sheegay in hadii ay Xildhibaanadu codka shacabka fiiri waayan ay keeneeso in ayagana lagu banaanbaxo lagana waayi doonin 550 qof oo lagu badalo kuwa hada shaqeenaaya kuwaas oo shacabka matala sida uu yiri ahafyeen Axmed Diiriye.

Waxa kaloo uu sii raaciyay hadalkiisa in uusan arkin wax lagu ee deeyo banaanbaxayaasha muujinayay dareenkooda.

Hadalka Nabaddoon Axmed Diiriye ayaa jawaab u ahaa hadal uu shalay jeediyay Madaxwayneha Soomaaliya Shiikh shariif Shiikh Axmedkaa oo uu Madaxwaynehu ku eedeeyay dibadbaxayaasha isugu soo baxay maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho in ay ahaayeen dad la soo abaabulay oo qaar kood la siiyay lacago sida uu yiri Madaxwaynuhu.

Si kastaba ha ahaatee Banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah goboladda dalka Soomaaliya waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee shacabka Soomaaliya ay ku muujiyaan rabitaankooda ku aadan baahida xiligan ay u qabaan dowladd xoog leh oo si daacad ugu shaqaysa shacabka.

Banaanbaxyada ayaa looga soo horjeeday shirkii dhawaan ka dhacay MagaaladaKampalaee dalkaUganda, iyo iscasilaadii loo soo jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Maxamed.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment