Madaxweynaha JFS oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlada puntland

Thursday January 25, 2024 - 20:04:00
0 Comments
61
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxa cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore, marti sharaf ka socoto waddamada dariska ah iyo qaar ka mi dha Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxda ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Hambalyo iyo dardaaran u dirtay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo kula taliyey in ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameestir Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Dr Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, "Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan.

Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli maalnimadii fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ay ku meel mariyeen Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

Related Items


Leave a comment