R/wasaare farmaajo oo Mudanayaal la shiray

Wednesday June 15, 2011 - 19:35:32
0 Comments
622
Super Admin
mudanayaasha Barlamanka
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka isagoo ka dalbaday in ay cafiyaan hadii ay qalad ka tabanayaan.

Kulankaani oo ujeedkiisa uu ahaa sidii wadashaqeyn buuxda ay u dhexmari laheyd xukuumada KMG iyo mudanayaasha Barlamanka ayaa maanta waxa uu ku dhexmaray xafiiska ra’iisul wasaaraha in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in qof aan qaldamin uusan waxba sixin sidaasi daraadeedna uu codsanayo xildhibaanada Barlamanka in ay iska cafiyaan hadii ay jiraan qaladaad ay ka tabanayaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii maanta uu la kulamay Ra’iisul wasaare Farmaajo oo iyana goobta ka hadlay ayaa waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen go’aanka Ra’iisul wasaaraha isagoo ugu baaqay Farmaajo in uu sii hayo xilka Ra’iisul wasaaranimo.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadii maanta uu kulanka la qaatay ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan xukuumada uu hogaamiyo Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo)

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment