W. Gaashandhinga Soomalia Oo Sii Daayay Sarakishi u Xirneyd Ethopia.

Friday June 17, 2011 - 22:57:11
0 Comments
1077
Super Admin
Wasiirka Gaashaadhiga Dowlada KMG Soomaalia ahna Raysal wasaara ku xigeenka Soomalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shegay in uu ku guuleystay sii deynta sarakiil Soomaali ah oo dhawanadan u xirna Dowlada Ethopia. Wasiirka oo hadan ku sugan Deeganka Doowlow ayaa sheegay in degaankasi uu u tagay in uu wada xaajood ka galo Dowlada Ethopia si loo siidaayo sarakishaasi oo gaarayay 13.
Wasiirka ayaa si toos ah u shaaciyay in Sarakisha 13ka ah isaga si gaar ah loogu soo wareejiyay markii wada xajoodka u Dhamaaday balse wasiirka oo saxaafadu ay wax ka weydiisa magacyada Saraakiisha ayaa ka gaabsaday balse waxa uu Shegay in sarakisha uusan ku jirin Bare adan shire hiiraale oo dhawanda la sheegayay in uu gacanta ugu jiray ciidanka Ethopia.

Wasirka gashaadhinga Soomaalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa si Rasmi ah u shaaciyay in Weli uu Bare hiiraale uu u xiranyahay dowlada Ethopia ayna jirto wada hadal u socda labada dowladood ee Soomaalia iyo Ethopia.

Dadka wax garadka ah ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa horay Ciidamada Ethopia ugu edeeyay in ay sabab la'aan iska xiraan odayasha iyo saraakisha cidanka dowlada soomaalia kuwasoo marar badan ugu baqay in dowlada soomaalia ay Arimanahaasi soo noq noqday ay kala hadasho Dowlada Ethopia iyadoo tanina ay tahy talabadii ugu horeysay ee u Qaado wasiirka gaashaadhinga Somaalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo markii ugu horeysya wada xajood u tagay Deegaanka Doolow.


Xafiiska Warqabadka Burtinletimes Ee Narobi Kenya.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment