Kenya iyo Soomalia oo 11 Qodob kala saxiiday

Tuesday November 01, 2011 - 01:59:07
0 Comments
784
Super Admin
Waxaa maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Wafuud ay kala hogaaminayeen R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Max’ed Cali Gaas iyo R/wasaaraha Kenya Railla Oding kaa oo ay kaga hadlayeen iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan la dagaalanka Xarakada Al Shabaaab.

R/wasaare C/weli ayaa waxaa kulankaasi ku wehliyey R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Xuseen Carab Ciise, R/wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Max’uud, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Max’ed Cali Ameeriko.

Sidoo kale R/wasaaraha Kenya waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya Max’ed Yuusuf Xaaji, kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya Richard Onyonka, Madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Jenaraal Julius karangi, Xoghayaha joogtada ee Xafiiska R.wasaaraha Kenya Dr Max’ed Isahakia, Danjire Nancy Kiriu oo ah xoghayaha gaarka ah Wasaaradda Difaaca ee Kenya iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya James Mulinge.

Kulankan ayaa waxa uu dabo socdaa heshiiskii 18-ka October ay Muqdisho ku yeesheen wafuud ka socday dowladda Kenya iyo madaxda dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa iskaashiga labada dowladood ee dhanka sugidda amniga koonfurta Soomaaliya, iyadoo 21-kii bishaan magaalada Addis’ Ababa lagu soo gabo gabeeyey kulankii 41-aad ee ay isugu yimaadeen madaxda urur goboleedka IGAD kaas oo lagu taageeray in dowladda Kenya ay ka qayb qaadato howgalka koonfurta Soomaaliya looga sifeynayo Al-shabaab.

Kulanka maanta ay Madaxda labada dowladood ay ku yeesheen magaalad Nairobi ayaa lagu kala saxiixday 11- qodob oo kala ah.

  1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.

  1. In laba dal ay iska kaashadaan ka hortagga dhibaatada Al Shabaaab iyadoo lala kashanayo wadamada Beesha Caalamka maadaama ay Al Shabaab tahay cadowga labada dal sida lagu qoray Warmurtiyeedka.

  1. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.

  1. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.

  1. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

  1. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.

  1. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi, ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.

  1. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

  1. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo soo taagi lahaa.

  1. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo Magaalada Kismaayo.

  1. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

Related Items


Leave a comment