10-Dhalinyara Oo Lagu Xiray Magaaladda Kismaayo

Monday June 27, 2011 - 17:33:30
0 Comments
1147
Super Admin
Kismayo: Howl-gal aya Xalay Ciidamadda Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ka sameeyeen Magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose ayay ku xireen 10-Dhalinyo ah,sida ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.
Dhalinyaradaan ayaa lagu eedeeyay innay wadeen falal ka dhan ah Nabadda Magaaladda Kismaayo Khal-khalna gelinaya Amaanka Saraakiisha Xarakadda Al-Shabaab.
Sida ay ku soo Waramayaan goob joogayaal Dhalinyaradda la xiray ayaana la ogeyn halka lagu xiray,basle Ciidamadda Amaanka ayaa sheegaya innay baaritaano ku wadaan haddii lagu helana Sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyntii Xarakadda Al-Shabaab ayaa aad u adkaynaya Amaanka Magaaladda Kismaayo wixii ka dambeeyay Weerarkii ka dhacay Xero Milateri oo ay leeyihiin Duleedka Magaaladda Kismaayo.
Warkaas Hadda Qaado.

Burtinletimes Kismaayo

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment