Dhagaxleey Oo Deggan & Khasaaraha Oo Kordhay

Friday July 01, 2011 - 15:16:47
0 Comments
1289
Super Admin
Deganaansho ayaa Maanta laga dareemayaa Xeradda Qaxootiga ee Dhagaxleey halkaasoo ay Shalay ka dheceen Dagaalo u dhexeeyay Ciidamo Kenyan ah iyo Soomaalidda halkaasi Qaxootiga ku ah
Inta la hubo ilaa hadda Rabshaddihii Shalay ayaa waxaa ku Nafwaayay 2-Ruux 13 kalana Dhaawacyo ayaa soo gaaray oo qaarkood ay halisyahiin.

Ciidamo aad u baddan ayaa Maanta lagu dhex arkayaa Xeradda waxaana la hakiyay Cuno qebintii Bilaha aheyd ee loo Qaybinjiray Dadka Qaxootiga ah ee halkaasi ku nool.

Qaar ka mid ah Dhalinyaro lagu qabtay Rabshaddihii Shalay ayaa loo dhaadhiciyay Magaaladda Gaarisa si halkaasi Maxkamad loogu saaro.

Goob jooge ku sugan Dhagaxleey ayaa sheegay in Ciidamaddu ay Rasaas nool nool Dadka kufureen,waxaanay ay Xabsiga dhigeen 40-Ruux.
Sikastaba ha ahaatee majirto cid ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ka hadashay Soomaalidda Qaxootiga ah ee lagu laayay Xeradda Dhagaxleey.


Burtinletimes Dhagaxley.

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment